Xildhibaanno ka socda dalka Turkiga oo Muqdisho u yimid sidii ay Favori…

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdi xildhibaanno ah oo ka socda dalka Turkiga.

Wafdiga ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdish, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada golle ee dowladda.

Wafdiga ka socday Turkiga ee yimid Muqdisho waxaa hoggaaminaayay guddoomiyaha guddiga xiriirka saaxibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya, u qaabilsan dalkiisa Haliil Urur.

Wafdiga ayaa markii la soo dhaweeyay waxa ay kulan is xog wareysi ah ku qaateyn iyaga xildhibaannada dowladda Soomaaliya isla gudaha garoonka, waxaana dabadeed loo galbiyay xarunta Villa Hargeysa oo uu deggan yahay afhayeenka baarlamaanka.

Wafdigan ayaa la sheegay in ay magaalada Muqdisho u yimaadeen siddii xildhibaannada diiddan shirkadda Favori ee maamusha garoonka ay dib uga laaban lahaayeen go’aankooda oo ay shirkadda ugu oggolaab lahaayeen in ay sii wadato shaqada ay hadda heyso.

Dhawaan ayaa baarlamaanka Soomaaliya wuxuu diiday in shirkadda Favori ee laga lee yahay dalka Turkiga ka shaqeyso garoonka Muqdisho, waxaana ay xukuumadda ka codsadeen in ay dib loo eego heshiiska lala galayt shirkaddan.

Turkiga ayaa mashaariic horrumarineed ka wada Soomaaliya, waaana dal ay ka go’an tahay in uu ka qeybto dib u dhiska iyo horrumarka Soomaaliya.

Caasimada Onine

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com