Qorshe halis ah oo laga shaki qabo in Cumar C/rashiid uu Muqdisho u yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa waxa uu maalmo ka hor uu soo gaaray Magaalada Caasimada Muqdisho, ka gadaal markii uu ka soo amba baxay Magaaalda Nairobi.

Cumar C/rashiid Cali iyo xubno kale oo uu ka mid yahay C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa lagu arkay Hotel Diplomacy, oo dhowaan laga hirgeliyay Magaalada.

Raggaan oo horey loogu eedeeyay in ay xusulduub ugu jiraan iibinta qayb ka mid ah Badda Somaliya, ayaa waxay booqashadooda Magaalada Muqdisho ku soo aadeysaa, xilli Baarlamaanka Somaliya la horkeenay Hindise Sharciyadeed ku aadan Badda Somaliya.

Axadii shalay ahayd, ayaa Ajandaha Baarlamaanka lagu soo diray in looga doodo, dib u eegis lagu sameeyo Xeebta dheer ee Somalia, hase ahaatee waxay Xildhibaanadu diideen in laga hadlo arrimaha Badda.

Wararka ayaa sheegaya in Cumar Cabdirashiid uu Muqdisho yimid sidii uu u saameynlahaaxildhibaanno badan oo saaxiib la ah, kana mid ah kuwa sida aadka ah u taageera gardarrada Kenya ee qeybo ka mid ah Somalia

Cumar Cabdirashiid ayaa saaxiib dhow la ah dowladda Kenya, waxaana isaga iyo xildhibaanno ay ka mid yihiin Cabdirashiid Xiddig ay aad uga shaqeeyaan danaha Kenya ee Somalia.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu sheegay inaysan marnaba aqbali doonin, in dib u eegis lagu sameeyo amaba wax laga bedelo Qariirada Badda Soomaaliya.

Mudanahaan wuxuu kaloo sheegay in Badda Soomaaliya ay Qariiradeedu ahaan doonto sidii ay ahayd 1982-kii, oo markaasi ay isbedel ku sameysay sida uu sheegay Dowladdii Dhexe ee Somaliya.

Xildhibaan Cabdalla Boss Axmed oo sidoo kale ka tirsan xubnaha Baarlamaanka, ayaa wuxuu isna ka digay in fara-gelin lagu sameeyo nashqada ay iminka u sameysan tahay Xeebta Soomaaliya, oo mar kale laga cabsi qabo in Cumar Cabdirashiid uu ku howlan yahay.

Dowladaha Kenya iyo Norway, ayaa horey loogu eedeeyay inay dhabarka ka riixayaan, qorshaha lagu doonaayo in wax looga bedelo Badda Somaliya, si Kenya ay u heshay qayb ka mid ah.

Dadka reer Muqdisho, ayaa waxay qaarkood bilaabeen inay hadalhayaan imaanshiyaha Magaalada Muqdisho ee Cumar C/rashiid & C/raxmaan C/shakuur iyo tallaabada Baarlamaanka lagu horkeenay qodobka Badda ku aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com