Abaalkii ay reer Muqdisho u galeen DF iyo sida loogu abaal guday waa CIIL

Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, waa caasimaddi dalka, waa fadhigii xukuumadda (Seat Of Government), waxay ugu weyn tahay magaalooyinka geyiga Soomaalidu degto oo idil.

Waxaa deggan dad lagu qiyaaso 2 milyan inkastoo uusan jirin wax tirakoob sugan oo laga haayo. Dadaalkii Maamulka G.Banaadir uu ku doonaayay qoridda dadka iyo bixinta warqadaha aqoonsioga waxaa is-horistaagay Baarlamaanka oo baaba’shay nidaam soo bilaawday sannadkii 1954tii, si aan loo ogaan cidda magaalada amxaarka Xamar soo galo iyo inamada u dhashay.

Reer Muqdisho waa kuwa bixiyo canshuurta Dowladdu ku bixiso mushaarka xubnaha Baarlamaanka, kana soo xeroodo Garoonka Diyaaradaha Aaadan Cadde, dekedda Muqdisho iyo ganacsatada Gobolka Banaadir.

Sidaa darteed, Reer Muqdisho waa kuwa qura oo gutay waajibkii uu qaranka ku lahaa. Hase yeeshee, ay ka maqan tahay wixii xuquuq ah oo ay mutaysteen.

Shacabka Gobolka Banaadir waa kan keliya oo aan wax dooran karin, laga horistaagay in uu soo doorto madaxdiisa, una taliyaan rag loo soo magaabay, halka gobollada kale loo oggolaaday inay maamulkooda dhistaan.

Xubnaha Baarlamaan oo haatan maraayo bartankii xilligii ay xilka wadeen (midterm) waxay ku guuldarraysteen inay go,aan ka gaaraan maqaamka caasimadda dalka, haddana, arrintaasi qorshaha uguma jirto 2-da sanno ee u hartay, dadka Muqdishana waxay u afduuban yihiin waa ayaga oo tuuladii laga soo magacaabay u doodaayo, dafiraayana xuquuqda 2 milyan iska indhatiraayo.

Sidaa darteed Reer Muqdisho waxaa laga dhigay dad aan waajibaadka iyo xuquuqdaba aan la sinnaynin dadka gobolada kale ee dalka sida ku cad qodobka 11 faqraddiisa (1) ee dastuurka. Waana laga reebay ka-qayb-galka siyaasadda sida ku cad qodobka 22 F.(20 oo ah xaqa muwaadin u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto.

Awoodda is-xukunka waxay ka bilaabataa, kuna dhammaataa shacabka, asaga oo u adeegsanaaya awoodda ah in mar kasta oo loo baahdo uu hay,addaha  iyo wakiillada shacabka ku oogi karo la xisaabtan sida ku cad qodobka 46aad ee dastuurka F (1) kaasoo ay ay xubnaha Baarlamaanka ku xadgudbeen.

Waa wax lala yaabo in xubnaha Baarlamaanka ay xukuumadda ku eedeeynayaan inaysan dalka habka federaalka ka hirgelinin, ayagoo ku guuldarraytay inay go,aan ka gaaraan maqaamka caasimadda dalka 2 sanno kaddib markii xildhibaano loo soo magacaabay, sidaasina ku dudsinaayo xaqa reer Muqdisho u leeyihiin in la doorto ama ay wax doortaan.

Dad faraban waxay isweyddinayaan Yaa xubnaha Baarlamaanka kula xisaabtamaayo ku-xad-gudubka dastuurka?

W/Q: Axmed Moxamed Axmed