Muuse Biixi oo aqoonsi ku dalbaday furitaanka shirka ka socda Jabuuti + Sawirro

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu ka jeediyey furitaanka shirka Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti waxa uu ku dalbaday in caalamku aqoonsado Somaliland.

Muuse Biixi ayaa hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay muddo sannado ah usoo dhabar adaygayay in mar uun ay beesha caalamka iyo Afrikaba ay garawsadaan “horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana qaaday Somaliland.”

Waxa uu sheegay in Somaliland ay in badan ay u dheg taagaysay inay maqasho waxa ay shacbiga Somaliland “ka mudan yihiin dunida kale, xaqana ay u leedihiin oo ah aqoonsi buuxa, muddo badanna ay sugaysay madal sidan oo kale u furan oo ay garteeda iyo xuquuqdeeda ku sheegato.”

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay, sida uu hadalka u dhigay, ku caano maashay dimuqraaddiyad buuxda, hannaan dawladdnimo, daahfurnaan iyo nabad iyo xasillooni ay ku naaloonayeen shacabkeedaa wixii ka dambeeyey dib ula soo noqoshada wax uu ugu yeeray “gobanimadii hallowday lixdankii” oo ay haatan dib ula soo noqoshadeedii laga joogo muddo ku dhow 30-sanno.

Hadalka Muuse Biixi ayaa meesha ka saari kara rajo kasta oo laga qabay in natiijooyinka shirka kasoo bixi kara ay ka mid noqdaan in Somaliland ay kasoo laabato gooni isu-taagga aan weli aqoonsiga helin ee ay ku dhowaaqday.

Shirka oo maalinkiisii koowaad soo dhammaaday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Dawladda Maraykanka, Ururka Midowga Afrika, Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.