Somaliland oo sheegtay inuu fashilmay laguna kala tegay shirka Jabuuti (Dhageyso)

DJabuuti (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ka mid ah wafdiga Somaliland, ayaa sheegay in wax natiijo ah aan maanta laga gaarin wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland uga furmay Jabuuti, islamarkaana lagu kala tegay.

Guddoomiye Saleebaan oo la hadlay TV-ga Horn Cable ayaa sheegay in ka Somaliland ahaan ay dalbadeen in Soomaaliya ay fuliso ballamihii la galay ilaa afar jeer oo horay ay isusoo hor fariisteen dhinacyadu, ayada oo aanay taas dhicinna aan lasii wada-hadli karin.

“Wax natiijo ah oo maanta shirkaas kasoo baxay ma jiro oo Somaliland waxay taagan tahay markii la fuliyo wixii hore ayaan wada,hadleynaa,” ayuu yiri Guddoomiye Saleebaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in gabi ahaanba shirkii uu sidaas ku fashilmay, isla markaana ay berri ama berri dambe ay ku soo laabanayaan magaalada Hargeysa, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Cabdifitaax Saciid Axmed ayaa isna faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay Somaliland ka tabaneyso Soomaaliya in aysan u fulin sidii loogu balamay.

Wakiilka ayaa sheegay qodobadaas, ay ka mid ahaayeen inaan la xayirin la isna hortaagin deeqaha Somaliland iyo gargaarka bani’aadannimo, in aan la carqaladeen heshiiskii hawada ee horay loo gaaray, in  hadallada xanafta leh aan warbaahinta la isku marin, iyo in dad kasoo jeeda Somaliland aysan kasoo qeyb galin wada-hadallada labada dhinac.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay dhanka wafdiga dowladda federaalka waxay diideen inay xaqiijiyeen in shirka lagu kala tegay. Si kastaba, waxaa suurta-gal ah in madaxda ay kasoo tagaan shirka balse guddi hoosaas farsamo ay sii wadaan wada-hadallada.

Hoos ka dhageyso wareysiga Saleebaan iyo Cabdifataax