Jubaland oo jawaab rasmii ah kasoo saartay qoraalkii ka soo baxay Villa Somalia

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubaland ayaa soo saartay qoraal jawaab ah oo ku aadan qoraalkii kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya maanta oo taariikhdu tahay 14/06/2020, kaasi oo Axmed Madoobe “loogu aqoonsaday” inuu yahay madaxweynaha Jubaland.

Jubaland ayaa qoraalka ku sheegtay inay nasiib-darro tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya “ay mar walba ku dhaqaaqdo tallaabooyin si toos ah uga hor imanaya dastuurka dalka u yaalla.”

Qoraalka ayaa lagu yiri “Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa saldhig u ah Dasuurka Ku meel-gaadhka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Qodobadiisa 120 iyo 142) iyo Dasuurka Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana loo maraa habraac sharci ah oo ay fuliso hay’adda u xilsaaran.”

Jubaland ayaa sidoo kale ka hortimid go’aanka Villa Somalia ee ah in maamulka Jubaland uu yahay ku-meel gaar.

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Axmed Maxamed Islaam u aqoonsatay Madaweynaha maamulka kumeel gaarka ah ee Jubaland, islamarkana muddo-xileedka maamulka uu yaha labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay.

“Mudo xileedka hay’adaha la doorto ee Jubaland waa afar (4) sano sida ku qeexan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Jubaland. Sidaas darted, ma jirto cid si gaar go’aan uga gaadhi karts muddo xileedka iyo doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland si aanan waafaqsananayn dastuurka.”

Jubaland ayaa si kastaba sheegtay inay soo dhoweynayso, si buuxdana uga qayb qaadanayso dadaaladada loogu jiro sidii go’aan midaysan looga qaadan lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka sida doorooshooyinka, dhammaystirka dib u eegista dastuurka la dagaalanka argagaxisada iyo barnaamijka deyn cafinta.

 Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland