Muuse Biixi oo cod u qaaday xeer doodiisa ay taagneyd

Hargeysa (Caasimada Online) – Kulankii Golaha Wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu shir-gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa lagaga dooday arrimo kala duwan oo ku wajahan xaaladda dalka iyo noloshada guud ee bulshada.

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu gudo galay dood iyo falan-qayn uu mudooyinkii ugu dambeeyey ku waday qabyo qoraalka xeerka madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland oo hore loogu qaybiyey golaha, kaasi oo maanta si rasmi ah goluhu u ansixiyey.

Wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin ayaa dhankiisa sharraxay nuxurka xeerkani xambaarsan yahay, wuxuuna tilmaamay in xeerkani yahay mid looga gol leeyahay sidii loo abuuri lahaa fahan guud oo la xidhiidha maamuuska, xurmaynta iyo habdhaqanka qofka madax-dhaqameedka, dejinta nidaamka xilka iyo waajibaadka, shuruudaha iyo qaab-dhismeedka ay madaxda dhaqanku yeelanayaan, xil-gudashadoodana la waafajiyo Diinta Islaamka.

“Madaxweynaha ayaa dood iyo falan-qayn dheer kadib qabyo qoraalka xeerka madax-dhaqameedka cod u qaaday, waxana ay golaha wasiirradu ku meel-mariyeen cod aqlabiyad ah waxaana u codeeyey 33 xubnood halka ay ka aamuseen laba xubnood,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankii Golaha Wasiirada.

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ahna guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha uga warbixiyey kulamo maalmahanba u socda guddida dhaqaalaha oo wax lagaga qabanayo xaaladda dhaqaale ee Somaliland.

Waxa uu sheegay inay guddi ahaan tallaabooyin badan oo la xidhiidha yaraynta sicir-bararka iyo la dagaallanka abaaraha hore u qaadeen, islamarkaana ay kulamo badan la qaateen madaxda shirkadaha korontada dhaliya iyo shirkadaha kale ee saamaynta ku leh waxyaabaha daruuriyaadka u ah nolosha bulshada.

Sidoo kale Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa isaguna golaha u sharraxay siyaasadda qaran ee diiwaanka zekeda oo maanta golaha loo qaybiyey.

Albaani ayaa ku dheeraaday sida ay siyaasaddani fure ugu tahay in dadka baahani ay helaan kaalmo joogto ah oo ay ku daboolaan baahiyahooda, loona midayn lahaa sekeda dalka oo dhan.