Muuse Biixi oo farriin xasaasi ah u direy DF iyo mucaaridka, sheegayna arrin cajiib ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashada lagu muransan yahay ee dalka, isagoona farriin adag oo ka socota Somaliland u direy dowladda federaalka iyo midowga musharaxiinta.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay faraha kala baxdo arrimaha masiiriga ah ee Somaliland, isagoona ka horyimid xildhibaanada waqooyiga ee lagu doonanayo Muqdisho. 

Waxa kale oo uu sheegay inay gef tahay in mucaaridka iyo dowladda ay isku raacsan yihiin in Somaliland oo dal jira ah loo nisbeeyo dad uu sheegay inay ka dhex xoogsanayaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana lagu tilmaamo mas’uuliyiin matela Somaliland.

“Midowga mucaaridka ah ee Muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu Soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu xusay in Soomaaliya iyo Somaliland aysan col aheyn, xili uu kal hore ku tilmaamay dowladda federaalka inay tahay cadowga koowaad ee ay leedahay Somaliland, taasi oo hadalka madaxweynaha ka dhigaysa mid cajiib ah oo wax badan ka bedelaysa mowqifkiisi hore.

Sidoo kale waxa uu sheegay in siyaasiyiinta Somaliland kasoo jeeda ee jooga Muqdisho ay halkaas u tageen inay kasoo shaqaystaan, xoolahooda iyo maalka ay soo helaanna ay Somaliland kula soo noqdaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Halkan (Somaliland) Jaaliyad reer Soomaaliya ahi way joogtaa, laakiin arrimaha siyaasadda Somaliland masoo galaan, sababta aad qaranka Somaliland oo aad ogtihiin inaynu soddon sano kala maqnayn, kuwa tegeyna ee shaqo-tegeyna waxa ay lamid yihiin jaaliyadda Kenya joogta, ta Addis Ababa joogta, ta Jabuuti joogta iyo ta London joogta.”

Waxaa uu intaas kusii daray “Haddii ay ka shaqaysanayaanna dalkooda unbay usoo shaqaysanayaan, kuwaada ugu waaweyn ee ugu shaqada badanina, iyaga oo halkaas (Muqdisho) jooga oo Baarlamaan iyo wasiir baannu nahay leh bay halkanna (Somaliland) daaraha kasoo dhistaan”.

Madaxweynaha Somaliland ayaa inta badan dowladda federaalka Soomaaliya ku tilmaami jiray dal cadow ku ah jiritaanka Somaliland, isla markaana dagaal kula jirta aqoonsigeeda, inkasta oo uu maanta sheegay mid taasi ka gedisan.