DF oo faahfaahin ka bixisay HESHIISKII xirmooyinka SHIDAALKA ee baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo u waramay idaacada VOA-da ayaa ka hadlay sababtii uu u baaqday heshiiskii dhawaan lagu saxiixi lahaa xirmooyin kamid ah Batroolka dalka.

Dowladda ayaa dhawaan labo shirkadood u saxiixi rabtay xirmooyin shidaalka (Blocks), kuwaas oo ku kala yaala Xeebaha degmooyinka Hobyo iyo Baraawe, ee hoos taga maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, hase yeeshe markii dambe la hakiyay.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegay in heshiiskaas uu u baaqday arrimo farsamo, kaasi oo loo saxiixi lahaa labo shirkadood oo lagu kala magacaabo Liberty, iyo Coastline Exploration Petroleum oo horay loo oran jiray Soma Oil and Gas.

“Labada shirkadood waa kuwo xuquuq ku leh dalka oo hore loogu saxiixay xiligii madaxweyne Xasan Sheekh, dibna usoo raadsaday xuquuqdoodii, rabeyna in heshiis la saxiixano, arrimo farsamo unbaa dib u dhigay ee shirkadahaasi xuquuqdooda ayey ku leeyihiin Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Cabdirashiid.

Sidoo kale waxa uu sheegay in labadaas shirkadood ay xaquuq ku leeyihiin dalka, maadama uu ka dhawaajiyay in hore loogu saxiixay xiligii dowladii Xasan Sheekh, isla markaana ay soo raadsadeen xuquuqdoodii, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa ka war-wareegay bixinta faah-faahin intaas ka badan, xili ay soo baxeyso in heshiiskaas uu ku baaqday cadaadis ay midowga musharaxiinta ku saareen dowlada.

Waxa kale oo lasoo warinayaa in arrinta u weyn ee saxiixaas dib u dhigtay ay la xiriirto qaabka loo waafajinayo heshiiskan iyo arrimaha deyn cafinta ee shuruuda Hey’adda IMF, taasi oo si hoose guddi loogu saaray.

Heshiiskan baaqday ayaa kusoo aadaya xili uu dalku wajahayo doorasho lagu muransan-yahay iyo xiisado siyaasadeed oo la xiriira arrintaas oo walaac hor leh ka abuuray dalka.