Xog: Axmed Madoobe iyo Deni oo ku guul darreystay laba arrin oo ay qorsheeyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Sababta ay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubaland iyo Mucaaradka ay madaxweyne Qoor Qoor ugu ogolaadeen inuu dhex dhaxaadiyo iyaga iyo dowladda ayaa la ogaaday in ay aheyd laba ujeedo oo culus.

Sida aan ka soo xiganahay mas’uuliyiin sar sare, maamulladaan iyo Mucaaradka ayaa Qoor Qoor u arkayay nin dhow oo ay ka soo wareejin karaan dhinac Villa Somalia ama ugu yaraan uga keeni kara dantooda waxaana muuqata in labadii qodobba aysan hirgelin, oo ah kala fogeynta Qoor Qoor iyo Madaxda dowladda ama helista tanaasulka dowlada ee muranka doorashooyinka.

Siyaasiinta mucaaradka ah ee Musharaxiinta, Madaxweyne Deni, Axmed Madoobe iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku heshiiyay in marka hore la kala dhantaalo saddex maamul ee taabacsan Madaxweyne Farmaajo, waxaana qofka ugu dhow loo arkayay Qoor Qoor oo dib u gurasho sameeyay lamana oga qorshaha xiga ee Mucaaradka.

Haddii mucaaradka, Jubaland, Puntland, Cabdi Xaashi, iyo Qoor Qoor dhinac noqon lahaayeen waxay dhankooda u leexin laheyd miisaanka siyaasadda dalka, balse taas ma dhicin.

Waxaa muuqato in ay sii adkaatay xaalada Soomaaliya ee dhanka doorashooyinka islamarkaana wax kasta laga filan karo daganaanshaha Soomaaliya haddii aan la helin tanaasul dhanka siyaasiinta ah.