Maxay doorashadii Jawaari ka sheegeysa fashilka ku yimid jadwalka doorashada?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta oo kale Afar sano ka hor 11- Jannaayo 2017, kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada baarlamanka 10-aad ayaa loogu doortay Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu noqdo gudoomiyaha Golaha Shacabka .

254 xildhibaan oo xiligaasi goobjoog aheyd kulanka ayaa u kala codeyay musharixiinta kala ah:

1- Idiris Daqtar
2- Xildhibaan Cabdifataax Geesey
3- Cabdirashiid Maxamed Xidig  .
4- Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

254- xildhibaana ee kulanka soo xaadirtay ayaa waxa ay 141- ka mid ah codka ay siiyeen Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, taas oo ka dhigtay in uu ku guuleeysto Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka 10-aad.

Laba sano kadib, 9-kii bishii afaraad 2018, madaxweyne Farmaajo, oo doonayey in meesha laga saaro la-xisaabtanka baarlamanka ee xukuumadda ayaa abaabulay mooshin xilka looga qaadayo Jawaari, taasi oo keentay in Jawaari uu xilka iska casilo.

Maanta Afar sano kadib dalka kama muuqato doorasho leysla ogol yahay oo ay u dhan yihiin saamileeyda Siyaasadda, iyadoo uu dhamaatay muddo xileedka Dastuuriga ah ee Baarlamaanka Labadiisa Aqal.

Waxaana markii labaad fashilmay jadwalkii aysoo saareen gudiyada doorashada, kaas oo lagu xusay in 05-ta bishaan la soo gudbiyo Liisaska musharixiinta Aqalka sare , doorashada aqalka sarena ay ka bilaabato dalka 7-bishaan oo ku beegneyd maalinamada khamiista ah ee isbuuci ina dhaafay.

Guddiyo aan lagu qanacsanaeyn, Khilaafka dowladda dhexe iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo aan xal laga gaarin , Murashixiinta oo Tabasha qaba iyo Arima kale oo badan ayaa isku biirsanaya doorashooyinka aan la aqoon waqtiga la qabanayo.