Muuse Biixi oo ka jawaabay tallaabadii Sacuudiga ee ka dhanka ahayd Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markale si adag uga hor-timid warqad ay Dowladda Sacuudiga u dirtay Somaliland uguna sheegtay in warqadda caafimaadka Xoolaha sanadkan ee Xaj-ka ay bixineyso dowladda Federaalka ah ee Somaliya.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka qeyb-galay munaasibad balaadhan oo lagu xusayey 26-kii June, ayaa wuxuu ka hadlay go’aanka uu Sacuudigu ku hoos geeyay dowladda Somaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa wax la aqbali karin ku sheegay go’aankaasi kasoo baxay Sacuudiga, kaasi oo ay dhoofka xoolaha Somaliland ku xirtay in Dowlada Federaalka ay kasoo qaadato warqada caafimaad ee xoolaha laga dhoofinayo dekedda Berbera.

Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in ganacsatada reer Somaliland aysan marnaba ogolaan doonin shuruudahaasi uu Sacuudigu ku xiray dhoofinta xoolaha Somaliland.

Dowlada aan weli la aqoonsan ee Somaliland ayaa iyadu inta badan la kulanta caqabado noocan ah oo lagu xirayo inay ogalaansho kasoo qaatan dowlada Somaliya, inkasta oo ay ku doodo inay ka go’day Somaliya inteeda kale, balse ilaa hadda caalamku wuxuu u aqoonsanyahay maamul ka tirsan Somaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com