Wararkii ugu dambeeyay Cadaado iyo ciidamo gaaray

Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta socdaal dhinaca dhulka ah uu ku tago magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wafdi hordhac u ah Ra’iisul wasaaraha oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa goor dhow gaaray gudaha magaaladaasi.

Qaban qaabo iyo soo dhaweyn ballaaran ayaa laga dareemayaa gudaha magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Galmudug.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaan waddooyinka magaalada la soo dhoobay ciidamo fara badan oo xaqiijinaya nabad galyada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada gaarka ah ee ilaalada Ra’iisul wasaare Khayre ay tageen halkaasi, si u hubiyaan amnigiisa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa kulamo xasaasi ah la qaatay madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Kulamadan ayaa intooda badan diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee Galmududg, gaar ahaan arrimaha doorashada.

Khayre ayaa doonaya in Xaaf uu kala hadlo doorashada, kuna qanciyo in lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Lama oga waxa ka soo bixi kara wada-hadallada  Ra’iisul wasaraha ee Cadaado, balse waxaa haatan socda dadaallo dheeraad oo lagu xalinayo khilaafkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
caasimada@live.com