Farmaajo: Waa in la keeno qorshe kasta oo lagu qancin karo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online)  – MadaxweynahaSoomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda 26-ka June oo Muqdisho lagu qabtay ayaa soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxwene Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu ay sameyneyso qorshe kasta oo lagu qancin karo maamulka Somaliland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la dardar geliyo wada-hadallada labada dhinac oo in muddo ah hakad ku jira.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in laga wada heshiisyo wixii dhacay.

“Waxaan ku baaqayaa in aan dardar gelino wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland,waxaa loo baahan yahay in runta la wajaho si walaalnimo ah la isku wareysto, lagana gudbo duruufihii la soo maray si loo boogsiiyo walaalaheena” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa marar badan ka dhacay dalal ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Turki, balse ma jirto natiijo muuqata oo la gaaray.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday 1991-kii in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxaana tan iyo xilligaas ay raadineysaa ictiraaf, si ay u noqto dal madax banaan.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com