Sheekh Shaakir oo go’aan lama filaana ku dhawaaqay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka hadlayay munsaabadda 26-ka June oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqay go’aan lama filaan ah oo ku aadan doorashada maamulkaasi.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Isaga iyo Madaxweyne Xaaf ay ka mid noqonayaan shacabka Galmudug, islamarkaana ay la shaqeynayaan madaxda imaan doonto, kadib doorashada maamulkaasi.

Go’aankan ayaa waxaa dadka falanqeeya siyaasadda ay ku sheegeen in ay gadaal ka riixeyso dowladda Soomaaliya oo dadaal ku bixineysa xaaladda cakiran ee Galmudug.

Dhinaca kale madaxa xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in haatan uusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhex jira Galmudug iyo dowladda dhexe.

Shaakir ayaa tilmaamay in ay jirto cid u kalawarranta labada dhinac, islamarkaana gudbisay fariin aan loo baahneyn.

“Annaga iyo dowladda waxaa jira duul noo kala warrama, waxa ay sheegaan in aan nahay Dad dhega-adag oo aan waxba lagu karin balse qofkii halkaan yimaadaba waa iska qanacdaa” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Khilaafka Galmudug oo muddo soo jiitamayay ayaa haatan ku soo biyo shubtay arrimaha doorashada maamulkaasi, waxaana weli la’isku mari la’yahay magaalada lagu qabanayo doorashada.

Halkan hoose ka dhageyso Codka

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com