Xog: Xaaladda caafimaad ee Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo laga deyrinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa laga deyrinayaa xaaladda Caafimaad ee Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo muddo ka badan 6 bil u xiran dowladda Soomaaliya kadib markii uu ka qeyb galay doorashada Koonfur Galbeed oo ay ka diidaneed dowladda Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa habeen hore laga soo saaray Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu ku qaatay muddo 5 habeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah Shaqaalaha Isbitaalka iyo eheladiisa.

Abuu Mansuur ayaa ka xanuunsanaya Kiliyaha waxaana la sheegay in uu aad u dhamaaday islamarkaana ay ka sii dareyso xaaladda Caafimaad. Dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa ku taliyay in Sheekh Mukhtaar loo qaado dibadda si loogu soo daweeyo.

Dhaqtarka gaarka ah ee Abuu Mansuur ayaa Saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya kula taliyay in Sheekha loo qaado dibadda maadaama adagtahay in dalka wax looga qabto.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo habeen hore saqdii dhexe laga soo saaray Isbitaalka Digfeer ayaa lagu celiyay xarunta hey’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ee Habar-khaadiijo waxaana la filayaa in dhowaan loo qaado Isbitaal ku yaalo magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Waa markii labaad muddo ka yar 40 cesho Isbitaal la dhigo Abuu Mansuur oo kaliyaha ka xanuunsanaya mana jirto ilaa hadda wax dedaal oo socda oo lagu sii deynayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali. Bartimihii ramadaanka ayaa sidoo kale Roobow la dhigay Isbitalka.

Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waa xarunta Caafimaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah wadamada Gobalka, hadii wax looga qaban waayyana waxaa loo badaniyaa in loo qaado wadamada dibadda.

Mukhtaar Roobow, waa adag tahay in dal walba loo qaado sida wadamada Caafimaadka ku wanaagsan sida Hindiya iyo Germany balse waxaa la filayaa in loo qaado Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dalka Qatar oo aad u taageera Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com