Muuse Biixi oo ku adkeystay go’aan culus oo uga sii daraya xiisadda LAASCAANOOD

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyay in marnaba dhankooda laga sugeyn in ciidamadooda kala soo baxaan gobolka Sool, oo uu sheegay inay qeyb ka tahay Somaliland.

Go’aankan oo madaxweyne Muuse Biixi uu ka sheegay khudbad sanadeed uu ujeediyay labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa uga sii dareysa xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, xilli ay Hargeysa ku sugan yihiin odayaal dhaqan oo waan-waan ka dhex waday xukuumadda Somaliland iyo SSC.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in markii hore ay magaalada Laascaanood u ogolaadeen inay ku shiraan Isimida hadda ku sugan, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay hurinayaan colaadda ka taagan halkaasi.

“Garaadkii qura ee joogay Laascaanood ayaa yiri waxa aan Laascaanood ku qabaneynaa shir, si loo helo nabad, waan ku raacnay, dad badan way nagu cannaanteen, Garaadadii way yimaadeen, afar maalin markii la joogay ayey ku baaqeen in dagaalka la galo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay in shacabka reer Sool ay kala mid ahaayeen ummadda Somaliland nabad-gelyada iyo horumarka adeegyada bulshada ee kala duwan, balse qorshaha kooxo uu ku sheegay argagixiso uu saamayn taban ku yeeshay caadifadda dhalinyarada Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxaha argagixisada ay sanadihii dambe ay Laascaanood ku dilayeen madaxda iyo haldoorka magaalada, “Argagixisadu waxay muddo 10-sanno ah ku laynayeen madaxda laamaha dawladda iyo muwaadiniinta Somaliland ee deegaanka Laascaanood ee ka shaqaynayey nabadda iyo horumarka Gobolka Sool. Hor-joogayaasha Argagixisada ee qorshahaa ku hawlani waxay ku milmeen Shacabka Deegaanka Laascaanood.”

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha in dadkii laayay bulshada ku dhaqnaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay ku jiraan xabsiyada Somaliland, islamarkaana ay gacanta ku hayso Somaliland.

“Waxaan leeyahay Argagixisada waynu is-huran-nahay. Shacabka Reer Laascaanood waxaan ugu baaqayaa in ay nabadda ka qayb-qaataan si magaaladii loogu soo noqdo oo noloshii jirtay dagaalka hor dib loogu soo celiyo; sida amnigii, maamulkii, adeeggii caafimaadka iyo waxbarashadii.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu golaha ka hor sheegay in muddadii xukuumaddiisu xilka haysay ay gobolka Sool ka dhistay dhismayaal dowladeed oo kala duwan, kuwaasi oo gaaray 31 dhisme oo ku jiraan xarunta maamulka gobolka, madaxtooyada Laascaanood, mashruuca naqshadeynta magaalada, dhameystirka iyo dayactirka garoonka Cabdi Bile Cabdi.

Si kastaba, Go’aankan uu qaatay madaxweynaha Somaliland ee ah inaysan ciidamadiisu ka bixi doonin gobolka Sool, ayaa uga sii daraya xiisadda dagaal ee ka taagan Laascaanood, ayada oo Isimida SSC ay dhowr jeer dalbadeen in ciidanka la saaro si dagaalka xal looga gaaro miiska wada-hadalka, wallow aysan ka tanaasulin mab’da ay isku seegeen Somaliland ee Midnimada.