Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale qaaday tallaabo la xiriirta heshiiska badda ee uu horraantii sanadkan la saxiixday ra’iisul wasaaraha Itoobiya, isagoo ku adkeysatay dhaqan-gelinta heshiiskaasi.
Muuse Biixi Cabdi oo hadda ku jiro ololihiisii ugu dambeeyay ee doorashada hoggaanka Somaliland ayaa xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin in horay loo sii dhaqaajiyo heshiiska, isla markaana la fuliyo, si marin biyood loo siiyo dowladda federaalka Itoobiya.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in fulinta heshiiskan ay dano badan uga xiran yihiin Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in Itoobiya ay tahay dal muhiim ah oo aad loo daneeyo, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu intaasi in heshiiskan ay faa’iido wayn ugu jirtay iyaga, isla markaana uu muhiim u yahay ictiraaf ay hesho Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
“Heshiiskaasi wax badan ayaa inooga xiran, Itoobiya waa dal muhiim ah cid kastana daneynayso in ay xiriir la yeelato – wuxuu sidoo kale muhiim u yahay heshiiskaasi in aan helno Ictiraaf” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay haddii dib loo doorto inuu kasii shaqeyn doono horumarinta Somaliland, gaar ahaan saaxibada ay ku leedahay gobolka iyo caalamka.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, oo si weyn looga dareemay gobolka, waxaana fashilay dadaallo la sameeyay, si la’isugu soo dhaweeyo labada dowladood.
Dowladda Federaalka ayaa si weyn uga carootay heshiiska Abiy uu la galay Muuse Biixi, waxayna ku tilmaamtay inuu xadgudub ku yahay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.