MUUSE BIIXI oo qaaday tallaabo la xiriirta rabshadihii ka dhacay SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay Guddi cusub oo baaris ku sameeyay mudaharaadkii rabshadaha watay ee dhawaan ka dhacay magaalooyinka Somaliland.

Guddiga oo ka kooban 5 xubnood oo ka tirsan Golahiisa Wasiirada ayaa wuxuu u xilsaaray inay baaris dhab ah ku sameeyaan cidda leh eeda mudaharaadkii rabshadaha watay ee ka dhasheen khasaaraha badan.

“Sida aad la socotaan waxa dalka ka dhacay mudaharaado rabshado wata oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Sidaas darteed, waxaan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddida u xil-saaran xal u helida dhamaan dhibaatooyinkii dhinacyada badan ee la xidhiidha khasaarihii ka dhashay mudaharaadyadii dalka ka dhacay 11-kii August ee 2022-ka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddigaan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, waxaana xubno ka ah Wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska, Wasiirka xanaanada xoolaha, Wasiirka warfaafinta iyo Wasiirka isgaadhsiinta & tignoolajiyadda.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa kale oo lagu sheegay in guddigaan ay sii wadi doonaan xilkii ay hore u hayeen ee ahaa la socodka howlaha xisbiyada mucaaradka ah.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Muuse Biixi uu horey eedda khasaaraha mudaharaadkii dhacay dusha uga saaray xisbiyada Mucaaridka Somaliland, oo uu sheegay inay ka leexdeen hanaankii sharci ee loo dajiyay dibad-baxooda.

Si kastaba, Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland ayaa weli isu goodinaya, dhinac weliba waxa uu sheeganayaa in uu ku taagan yahay dhabbaha dastuurka uu ogol yahay halka ay isku tuur-tuurayaan khasaaraha ka dhashay rabshadihii sababay dhimashada iyo dhaawaca.