ODOWAA oo shaaciyey heshiisyo qarsoodi ah oo lala galay shirkado kalluumeysi

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiisyo qarsoodi ah oo lala galay shirkado si aan sharciga waafaqsaneyn uga shaqeysta Badda Soomaaliya.

Odawaa ayaa ku baaqay in wax laga qabto heshiisyada kalluunka oo uu sheegay inuu dalka ka dhigay mid xaraash ah, sidoo kalana wuxuu xusay inay jiraan heshiisyo isbarbar socda oo si hoose loola galay shirkado kalluumeysi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa xusay in loo baahan yahay in mideeyo heshiisyada ay bixiyaan dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay haddii aan wax laga qaban laga dhaxli doono saameyn taban.

Xildhibaan Odowaa waxa uu tilmaamay inuu ogaal ku yahay Ruqsad Dowlad-Goboleed bixisay oo si hoose looga hoos bixiyay ogolaansho kale, taasina ay dhaawaceyso fursadaha bixinta Ruqsadaha ama Fasaxa.

“Waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa kamid ah kalluunka oo waxaa la qoray heshiis lagu qoray in haddii Markab la siinayo sharci in lacag isku mid ah lagu siiyo, Dukumiintis ayaan heynaa, Dowlad-Goboleedyada qaar markii lagu heshiiyay tusaale ahaan in Markabka lagu siiyo labo boqol oo kun oo doollar in uu fasaxeeda kuso galo biyaha Soomaaliya niman ayaa hoos warqad ka qoray oo siddeetan kun oo dollar aan ku siineynaa anaga ayaa ku fasaxeynee orod badda soo gal baa la yiri,” ayuu yir Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Wuxuu intaas kusii daray “Fasaxa ma mideysna oo Dowlad-Goboleed hebel intaas ayay bixisaa, halka Dowlad-Goboleed hebelka kale in kale ku bixiso, iimaan darro ayaa nagu dhaceysa, aniga ayaa arkay iyada oo la leeyahay qoladaas intaas ayay ku bixisaa waa in aan innagana ku bixinaa, Seylad ayay noqanee oo xoolaheenna ayaan iibineynaa, malaaygaas meeshaas maraya ummadda Soomaaliyeed ayaa wada leh, dad baa fasax u qaatay oo Shiineeska lasoo heshiiyay, lacagtaas ma xalaal baa.”

Soomaaliya waxaa si joogta ah uga kalluumeysta Maraakiib ruqsad u qaatay in ay joogto u gurtaan kalluunka & Khayraadka kale kaddib heshiisyo ay wada galeen shirkadaha isla leh Maraakiibtaas & Maamulada ka taliya xeebaha ay ka jilaabanayaan.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxaa hor yaalla wax ka qabashada heshiisyada badan oo ay galeen wasiiro katirsan Xukuumadda ka horreysay, hagaajinta & dib u qiimeynta qandaraasyadii la bixiyay.