Muuse Biixi oo si cajiiba uga jawaabay arrin laga faafiyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si cajiib ah uga jawaabay warar dhowaan laga faafiyey xaaladiisa Caafimaad, kuwaasi oo si weyn ugu dhex baahay baraha bulshada, maadama in muddo ah warbaahinta lagu arkin madaxweynaha.

Madaxweyne Biixi ayaa isaga oo ka jawaab celinaya wararkaasi laga faafiyey xaaladiisa caafimaad, ayaa waxa uu maanta mar kaliya kasoo muuqday warbaahinta, isagoo booqasho kedis ah ku tagay xarunta wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland.

Muuse Biixi ayaa Warbaahinta kasoo muuqday isagoo xidhan khamiis, isla markaan ay ag socdaan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa oo ku wehlinayey kormeerka kediska ah ee uu saaka ku tagay wasaarada caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xariga ka jaray Mishiin Hay’adda WHO ay dhawaan ugu deeqday Somaliland, kaasi oo xukuumadooda ka caawin doona baadhista dheecaanadii ay u diri jireen dibada ee dadka looga shikiyo cudurka Coronavirus.

Kormeerka uu saaka ku tagay madaxweynuhu wasaaradaasi, ayaa dadka qaarkood waxa ay rumeysan yihiin in Madaxweynuhu uga jawaabayo wararkii dhowaan laga faafiyay xaaladiisa caafimaad, midaasi oo noqotay qaab cusub oo xukuumada Biixi uga fal-celinayso wararka beenta ah ee madaxda laga faafiyo, iyada oo hore si cad  u beenin jirtay.