Puntland oo shaacisay kiisas hor leh oo Coronavirus ah

Garowe (Caasimada Online)-Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland, ayaa caawa shaacisay todoba kiis oo cusub oo Coronavirus, kuwaas oo laga diiwaan geliyey deegaanada Puntalnd.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in maanta xanuunka Coronavirus laga baaray 11-qof, isla markaana laga helay todoba qof, shan kamid ah dadka laga helay waa rag, halka labada kale ay dumar yihiin.

Seddax ka mid ah dadka laga helay cudurkaas ee laga diiwaan geliyey Puntland waxay ku noolyihiin deegaanka Waaciye ee gobolka Bari, halka afarta kale ay ku noolyihiin magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sida uu sheegay wasiirku.

Tirada guud ee kiisaska laga diiwaan geliyey gudaha deegaanada Puntland ayaa gaartay 30 xaaladood, hal qof ayaa Puntland ugu geeriyooday xanuunkaas, mana jirto qof ka bogsaday, sida ku cad warbinada wasaaradda caafimaadka.

Sida ku cad xisaabta kiisaska cudurkaas ee gudaha Soomaaliya, kiisaska ay caawa shaacisay Puntland, kuma jirin kiisaskii ay galabta shaacisay wasaaradda caafimaadka heer federaal, oo waxay Puntland u xisaabisay tiradii tan ka horeysay ee 12-ka kiis aheyd.

Tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan geliyey gudaha Soomaaliya intooda ay shaacisay wasaaradda caafimaadka heer federaal ayaa gaaray 722-kiis, 44-qofood ayaa ka bogsatay, halka 32-qofood ay u geeriyootay.