Muuse Suudi oo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka bilaabay Muqdisho iyo ujeedka uu leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ayaa bilaabay dhaqdhaaq siyaasadeed oo uu Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ugu raadinayo xilka taliyaha nabadsugidda Gobolka Banaadir, maadaama dhawaan la rajeenayo in isbadal lagu sameeyo shaqsiyaadka talada u hayo dhammaan hey’adaha ciidamada Dowladda.

Sida xogo ay heleyso Caasimadda Online sheegayaan Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir , Axmed Xasan Cadoow  “Axmed Daaci” ayaa raadinaya xilka Taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir .

Odayaal iyo XIldhibaano uu horkacayey Muuse Suudi Yalaxow ayaa la kulmay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxayna ergay ka ahaayeen Axmed Daaci si loogu dhiibo xilka Taliyaha nabadsugidda Gobolka Banaadir.

Codsigii ay wateyn Muusi Suudi iyo odayaasha ay isku beesha yihiin ayaa waxaa ka aqbalay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday inay sugaan inta xukuumadda laga ansixinayo.

Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah Senatorada aqalka Sare ayaa siyaasad ahaa taageersan Ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaana shalay mar uu ka hadlayay diidmada xildhibaanada qaar ay ka muujiyeen wasiirada cusub uu sheegay in uu jeclaanm lahaa in la meel mariyo xukuumada cusub isla markaana laga tanaasulo is qab qabsigan oo uu sheegay inuu dib u dhac kale u keenayo Soomaaliya. Sidoo kalana wuxuu ku baaqay in la fiiriyo abaarta ka jirto wadanka oo sameysay Malaayiin qof.

Xasan Cali Kheyre iyo Muuse Suudi Yalaxow ayaa la rumeysan yahay  inay taageere  u ahaayeen xilligii doorashada dalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la sheegaya in Axmed Daaci isagoo ka faa’iideysanayaa fursadaas uu senator-ka kadhaadhiciyay rabitaankiisa si ra’isul wasaaraha oo ay isku dhaw yihiin uu isna kaga sii dhaadhiciyo  in loo dhiibo Xilka Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo ah xil aad muhiim u ah.

Go’aanka rasmiga ah ee Ra’isulwasaaraha ayaa la ogaan doonaa marka uu ku guuleysto in la ansixiyo golaha wasiirada cusub isla markaasna ay shaqo bilaabaan, waxaana macquul ah inuu Ra’isulwasaaraha soo magacaabo shaqsi kale maadaama siyaasadda ay tahay mid aan fadhin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com