Arag: Caasimada Online oo heshay warqad hanjabaad ah oo Axmed Madoobe uu u diray R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa ku fashilmay in golaha wasiirada lagu soo daro shaqsi uu u gudbiyey Ra’isulwasaraha Soomaaliya oo uu doonayey inuu kasoo dhex muuqdo liiska.

Axmed Madoobe ayaa Ra’isulwasaraha Soomaaliya ka codsado inuu xilka wasiirnimo ee beesha Ogaadeyn siiyo jufada Cowlahan, weliba wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay in la siiyo Cabdirashiid Jire

Wuxuu sheegay inay isaga la quman tahay in   raaco nidaanka awood qaybsiga beesha Ogaden , isagoo xusay in Jufada Maxamed Subeer aysan qaban karin xil wasiir oo dowlada dhexe ah, Maadaama ay Jubbaland madaxweyne ka yihiin.

Axmed Madoobe ayaa dowladda Soomaaliya uga digay in xilkaas loo magacaabo Cabdullaahi Ciilmooge tasoo uu ku tilmaamay inay keeni karto kala fogaansho Jubbaland iyo dowlada cusub ka dhex dhalata.

Inkastoo uu Axmed Madoobe waraaqdaas u diray Ra’isulwasaaraha, haddana ma aysan dhicin inay wasiirada kasoo muuqdaan laba shaqsi oo uu mid la doonayey in wasiir laga dhigo halka kan kala uu kasoo horjeestay inuu matalo Ogaadeyn.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso waraaqdaan uu Axmed Madoobe u diray Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo ay Caasimada Online heshay:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com