Farmaajo, Kheyre iyo golaha wasiirada oo qaatay hal go’aan oo ay ku mideysan yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib safari maalmo ah oo uu ku joogay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu uga qeybgalay kulankii ay yeesheen madaxda IGAD ayaa xalay kulan deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirada cusub iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulankaas oo sidoo kale looga yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka balse aan aqbalin casuumadaas ayuu ujeedkiisa ahaa sidii looga hadli lahaa dhibaatada iyo khilaafka ka dhashay golaha wasiirada.

Inta badan wasiirada ayaa xaadir ahaa kulankaas sidoo kale waxaa booska Jawaari lagu buuxiyey guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi, waxaana si fiican la isaga wareystay xaaladda taagan.

Dhinacyadan, ayaa iska wareystay diidmada ay Xildhibaanada qaarkood ka keenayn wadada loo maray magacaabista Golaha Wasiirada ee Xukuumadda iyo sida ugu haboon ee looga falcelin karo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka dhawaajiyey in ilaa 105 Xildhibaan ay soo gudbiyeen in  Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu dib ugu noqdo magacaabista Golaha Wasiirada, iyagoo ku andacoonaya inaanan magacaabistooda lagu salayn nidaamka awood qaybsiga beelaha ee 4.5, maadaama beelaha qaar loo eexday.

Dacwada ugu weyn oo ay xildhibaanada ku andacoonayaan ayaa ah in  in sad-bursi loo sameeyay beelaha qaar, halka kuwo kalana la qadiyay, sidaasi daraadeedna ay dalbanayan ka hor inta aan Baarlamaanka la horkeenin in dib loogu laabto Golaha Wasiirada maadaama aysan gudbi doonin Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isulwasaaraha iyo golaha wasiirada ayaa wada hadal iyo fallanqayn dheer ka dib  isku raacay inaanan waxba laga bedelin Golaha Wasiirada, ha yeeshee Wasiir kasta laga doonayo in uu raadiyo kalsoonida Xildhibaanada diidan si golaha wasiirada u helo codka kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya.

43 kamid ah wasiirada la magacaabay ayaa ah xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxayna madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ugu baaqeyn inuu mid kasta isku dayo inuu keeno dhawr xildhibaan oo codka ugu shubto Golaha wasiirada, waxayna midaas u arkeyn wadada kaliya ee looga gudbi karo xasaradaan siyaasadeed ee soo wajahday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com