Gaas: Qabiil wuu dhamaaday, Puntland waxaa ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Ali gaas ayaa ka dhawaajiyey in maamulkiisa uu qaban doono doorasho qof iyo cod ah, isagoo ka dhawaajiyey inay awoodaas leeyihiin hadda.

“ Doorashada waa la qaban doono, waxaan bilaabi doonaa in  doorashooyin degmo degmo ah, waxaan u guurnay qaabka asxaabta” ayuu yiri Cabdiweli Gaas oo saxaafadda la hadlayey.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in shacabka ay dooran doonaan madaxdooda isla markaasna laga gudbi doono qaabka qabiilka ee loo dooran jiray madaxda Puntland, taasina looga mahadcelin doono dowladiisa.

“ Dowladeeda ayaa hubin doonto in shacabka ay doortaan madaxdooda iyadoo loo marayo qof iyo cod, mana jiri doonto hab qeybsigii qabiilka” ayuu sii raaciyey Gaas.

Maamulka Puntland ayaa la dhisay sanadkii 1998 tan iyo xilligaasna waxaa ka dhici jiray doorasho dadban, waxaana madaxweyne lasoo dooran jiray afartii sanaba hal mar.

Haddii uu Cabdiweli Gaas ku guuleysto hadalka uu ka dhawaajiyey, wuxuu noqon doonaa madaxweynihii ugu horreeyey ee heerkaas gaarsiiyo dowlad Goboleedyada Puntland, inkastoo aan la ogeyn sida ay ugu suurtageli karto tallaabadaas.

Cabdiweli Gaas ayaa horey uga dhawaajiyey inuusan mar dambe isku soo sharaxi doonin madaxtinimada Puntland marka ay u dhamaato waqtigiisa dastuuriga ah, hadalkaasna wuxuu ahaa mid lama filaan ah inkastoo uu ka bixi karo daqiiqad kasta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com