Xog-warran: 3-da dhinac ee khasaaraha ugu badan kala kulmaya hadii wasiirada cusub la diido!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa socdo ololihii ugu weynaa oo la doonayo in lagu laalo wasiirada cusub ee uu Kheyre soo magacaabay, waxaana jirto inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari waraaq digniin ah u diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre isagoo ku wargeliyey inuu ka fiirsado wasiirada cusub ee Soomaaliya maadaama ay jirana Xildhibaano badan oo diiday magacaabistaan.

Jawaari ayaa u sheegay Kheyre inuu dharbaaxo culus kala kulmi doono xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya haddii uusan wax ka badal ku sameyn golihiisa wasiirada oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwa aan waafaqsaneyn hab qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Haddaba website-ka caasimadda Online oo aad uga barateyn inuu dabagal ku sameeyo wararka iyo dhacdooyinka la dhacayo siyaasadda Soomaaliya ayaa idiin soo gudbinayo seddex beelood oo ay saameyn weyn ku yeelan doonto haddii la diido ama laga laabto golaha wasiirada cusub.

Seddexdaas beel ayaa waxay kala yihiin:

1) Beesha Habargidir ayey saameyn weyn ku yeelan doonta arrintaas, maadaama ay heystaan xil aad u muhiim ah maadaama la siiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xilkaas loo magacaabay Yuusuf Garaad.

2) Beesha Labaad oo noqoneyso mid aad uga xumaagto ka laabshada ama diidmada wasiirada cusub waa Beesha Abgaal oo heshay laba wasiir oo kala ah Wasiirka Amniga Qaranka iyo Wasiirka Warfaafinta.

3) Dhianca seddxaad oo aan jecleyn in wasiirada lagu laabto waa Maamulka Puntland oo la siiyey seddex wasaaradoo oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwa go’aamin karo mustaqbalka Soomaaliya waxayna kala yihiin:

a – Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka iyo dib u heshiisnta oo loo dhiibay Cabdi Faarax Juxa, oo kasoo jeeda Ciise Maxamuud

b – Wasaaradda Dastuurka waxaa la siiyey Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, oo beesha Leelkase u dhashay.

c- Wasaaradda Qorsheynta qaranka oo loo dhiibay waxa la siiyey Jmaal Maxamed Xasan oo Warsangeli Daarood ah.

Seddexdaan dhinac ee aan soo xusnay ayaa ka nixi doono haddii ay noqoto in wasiirada  laga noqdo oo la qaato taladii guddoomiyaha Baarlamaanka usoo jeediyey Ra’isulwasaaraha oo aheyd inuu dib ugu noqdo wasiirada, ama haddii uu Ra’isulwasaaraha go’aan ku qaato inuu Baarlamaanka hor geeyo isla markaasna ay diidaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com