Muuxu R/W Xamza kala hadlay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika?

Tunis (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Tunis ee caasimada waddanka Tuniisiya ayaa kulan doceed la yeeshay guddoomiyaha guddiga Ururka Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimo ka mid yihiin sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iyo iskaashiga haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ra’iisul wasaaruhu ka dalbaday Midowga Afrika xoojinta howlgalkooda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabddi Barri.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kula kulmay magaalada Tunis, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat. Mudane Xamse iyo Mudane Moussa ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika – iyo qaabkii loo xoojin lahaa gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xamza ayaa u tegay caasimada Tunis ka qayb-galka shirweynaha caalamiga ee TICAD8 ee u dhexeeya dowladda Japan iyo Afrika, isaga oo ka jeediyey khudbad muhiim ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda kala duwan ee ka qayb-galeysa shirkaas, isaga oo kala hadlay arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Shirka TICAD8 oo saddexdii sano mar la qabto ayaa dowladda Japan waxay ugu talagashay in ay ku xoojiso xiriirka ganacsi iyo midka siyaasadeed ee dalalka Qaaradda Afrika.