Muwaadin, codkaagu yuu ku diline ha ku daryeelo

Waa qodob dastuuriya qof walba oo innaga mid ahina uu xaq u leeyahay doorashada mas’uulka ku matalaya heer Degmo mid Gobol mid Maamul goboleed midka Dowladda Dhexe uga noqonaya Xildhibaan ilaa heer Madaxweyne.

Muwaadin waxaa la jogaa waqtigii aad Dooran lahayd midka sida habboon ee hagar la’aanta ah  kugu adeegi lahaay kuguna shaqeyn lahaay Habeen iyo maaalin.

Muwaadin lama joogo waqtigii inta lacag qof lagu doorto aadan barito xaq ugu lahayn inaad la xisaabtantid ama uu kugu adeegi lahaay.

Baahiyaha Asaasiga waa  Nabadgelyo, Garsoor, Caafimaad waxbarasho Biyo wado iyo badqabka Muwaadinka intuba waxay mas’uuliyadeedu saaran tahay madaxda heerarka kala duwan aan kor kusoo xusnay.

Muwaadin lama joogo waqtigii kaaba qabiilka iyo in yar ay kuu go’aamin jireen aayaaha siyaasadda Degaanka ama reerkaba waxaa la joogaa waqtiga ugu habboona aad adigu Dooran lahayd Mid si dhaba kuu matala kana go’antahay inuu hagar la’aan kugu adeego.

Dooro Adeege kuu adeega ha dooran mid dantiisa u adeegta.

U halgan madax bannaanida codkaaga iyo doorashada mid  u qalma xilgudashada deegaankaaga.

  • Abdullahi Mahdi – Waa guddoomiyaha Madasha Kulmiye 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid