Ganacsatada Soomaaliyeed oo u carreysan DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Mustaf Osmain ”gacan yare” oo kamid ah Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Africa, ayaa sheegay inay ka qowmameynayaan ahaanshaha jinsiyada Somalia.

Waxa uu sheegay in Dowladaha Africa inta aan ka aheyn Somalia ay u danqanayaan dhibaatooyinka is xigxiga ee lagu hayo Muwaadiniintooda, balse DF Somalia ay arrintaani moodo mashruuc.

Ganacsadaha, ayaa Tilmaamay in dhammaan Soomaalida Koonfur Africa aysan dowlad u aqoonsaneyn tan iminka jirto waxa uuna u sababeeyay Seddex arrin oo kala ah:

1-Daryeel la’aan iyo niyad jab ay DF xili waliba ay ka muujineyso inay la tacaasho muwaadiniinteeda.

2- Dhaqaale la’aan oo aan jirin ayay DF Somalia sheeganeysaa, Tusaale min Madaxweyne ilaa wasiir waxa ay kireystaan diyaarado gaar ah, balse Soomaalida ku dhiban caalamka intiisa kale ma awoodo inay u fidisho gurmad.

3- Howsha oo kusoo biyo shubatay ”wan gurmaneynaa, isbedel ayaan sameyneynaa, dowladaha aan saaxiibada nahay ayan arrintaasi kala hadleynaa” Iwm

Sidoo kale, waxa uu sheegay in shaqsi ahaan markii wax laga weydiyo arrimaha Somalia uu aad uga gaabsado sababtuna ay tahay niyad jab ka heysta habdhaqanka DF.

Ugu dambeyntii, waxa uu qurbajoogta dhigiisa ah kula taliyay inaysan kasoo tagin wadamada ay martida ku yihiin, waxa uuna taasi sabab uga dhigay DF oo aan daacad u aheyn shacabkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com