Copy-ga  S/Land iyo P/Land Mudug u sameeya

Waxaa wax lala yaaba ah in laba nin oo wallaala ah oo midi yahay  wasiirka caafimaadka Somaliland Xaglatoosiye halka kan kale uu yahay Madaxweeyne ku xigeenka Puntland Ina Cameey  sow lama dhihi karo waa Copy u adeega labadaa maamul u shaqo tagay labada maamul balse aayan aheeyn kuwa u adeega umada aay ka dhasheen ee Khaatuma, waxaa iyna la mid ah labada wasiir ee uu C/weli Gaas ka dhigtay wasiiro oo aan beel ahaan degeneeyn Puntland balse ah kuwo Copy ah sida Bashir Gurxan oo ka soo jeedo beesha Sade halka C/raxman Sheekh oo ka soo jeeda Beesha Ogadeen, labaduba kuma laha xildhibaan baarlamaanka Puntland degaan ahaan ma degano balse waxeey meesha u joogaan dhiiragelinta QABYAALADA.

Waxaa labadaa maamul ka shaqeeya Copy ah calooshood u shaqeeystayaal guracan gatay beelaha aay ka soo jeedaan balse qaarkood aaneey asal ahaan degaan ku aheeyn maamulada aay u shaqeeyaan iyada oo la ogyahay in maamuladaa lagu duudsiyay xaquuqdii beelo faro bada oo degaan ahaan xaqa u lahaa in aay ka mid noqdaan maamulka.

Haddii C/weli Gaas gartay in uu adeegsado Copy Khatumo iyo mid Wardheer iyo wal-wal ka soo jeedo maxaa diiday in Jufada uu ka soo jeedo Gaas laga dhigo Copy shareef  mudan in shirka Cadaado iyo maamul u sameeynta G.Dhexe laga dhex arko mise xilka uu hayo ayuu ku weeynayaa haddii reerkiisa oo Copy ah tagaan Cadaado ??? 5 sanno iska sii muudso Puntland koleey Somali waa aay isku imaan G.Dhexe inta wada degtaa ayaa wax isku ah xidid ah xigaal ah mudan in aay Somali ka qaadaan culeeyska aay ku hayaan.

Dowladii C/qaasim rag Puntland matalayay ayaa joogay Muqdisho waxaana aay noqdeen kuwa ka helay xilal wanaagsan wallow ay Copy ahaayeen oo eeyan  tagi Karin xiligaa Puntland oo C/aahi Yusuf madaxweeyne ka ahaa, xiligii ka horeeysay ee dowladii Salbalaar waxaa xamar yimid C/aahi Yusuf iyo Maxed Xaaji Aadan oo ku hartamay cida xilka qaadan laheeyd,marwalbaa Copy waa jray waana jirayaa balse Copy –ga waa in uu noqdaa mid macno leh rag qabiir ahna aay u howlgalaan cid aanan Copy noqon Karin ma jirto.

Copy waxaa uu noqday siyaasad ku cusub Somalida maantii hore 1991 waxaa soo baxay eray ahaa Facaatuug waxaase cad in xiligaan 2015  ay jirto gobolada waqooyi rag facaatuug  ah oo la macno ah Copy,shirwalba ama maamul walbaa oo la dhisaa waxaa huran haddii kuwa xaqa u lahaa la waayo in Copy uu noqon karo xalka maamulkaa, Cadaado waxaan ka sugeeynaa Copy haddii kuwa G.Dhexe degani aay qaar diidaan in aay midoobaan.

W/Q: Dr. Ali A. Hirabe          

Hirabe_a@hotmail.com