Holland: Jaaliyadda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo kullan taageero qabatay (Sawirro)

ddsi ddsi2 ddsi3 ddsi4 ddsi5 ddsi6 ddsi7 ddsi8 ddsi9

Qaar ka mid ah Jaaliyadda Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay Magaalada Rotterdam ee dalka Holland ku qabatay kulan ballaaran oo ay ku taageerayeen horumarka dhanka adeega bulshada ee ay ku tilaabsadeen shacabka ku dhaqan gobolada hoostaga Itoobiya oo ay maamulaan Dowlad deegaanka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa si gaar ah loogu asteeyey taageerada Jaamacad & Warshad Sonko oo laga hirgeliyey Qabridahar & Godey, waxaanna dadkii ka soo qeybgalay oo si weyn ula dhacsanaa siyaasadda uu horkacayo Madaxweynaha dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar ay bogaadiyeen isbedelka dhanka adeega bulshadda ah ee uu ku tillaabsatay Gobolada hoos taga maamulkaas.

Gudoomiyaha Jaaliyada deegaanka Soomalida Itoobiya ee Holland Mudane Axmad Mukhtaar ayaa looga mahadceliyey agaasinka munaasabada, waxaanna hadalo kooban oo uu ka jeediyey munaasabada ugu hambaliyeeyay xukumada hada jirta iyo XDSHSI guulaha ay soo hoyeyeen ee dhinaca nabadgaliyada iyo horumarka guud ahaan gaar ahaana jaamacada Qabridahar iyo Warshada sokorta ee Godey.

“Waxqabadka Madaxweynaha wuxuu gaarsiisan yahay heer kuwii isaga ka soo horjeeday ay qireen waxqabadkiisa, isaga oo kaashanaya waxgaradka Dowlad deegaanka wuxuu seeska u dhigay horumar lagu gaari lahaa sannooyin badan ayuu xilli kooban horseeday” Ayuu yiri Axmed Mukhtaar, waxaanna qaar ka mid ah aqoonyahanadii ka soo qeybgalay kulanka oo uu ka mid ahaa Kamaal ay u soo jeediyeen in la tiro koobo Jaaliyada Holland ee ka soo jeeda Dowlad deegaanka Soomaalida, si gaar ahna Guddoomiyuhu isugu xilsaaro in sidii loo mideyn lahaa afkaarta Jaaliyada.

Xafladda waxaa lagu daawaday filim Docomenteri ah oo loogo magacderay shalay iyo maanta,wuxuuna filimkaasi ka hadlayey heerarkii dhibaatada & dib u dhaca ee deegaanadaasi ay soo mareen iyo heerka ay maanta ku naaloonayaan, oo ah in shacabkii iyo Dowladii oo gacmaha is hayasta ay u jeesteen dhanka horumarka.

Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Malaaq Hassan Malaaq Showri, malaaqa Xamar iyo Xamar-Daye ee uga wakiilka ah qaarada Yurub, isagoo halkaasi ka sheegay inuu aad u soo dhoweenayo horumarka ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia gaar ahaan dhagax dhiga jaamacada Qabridahar iyo waliba dhismaha warshada sokorta ee Godey.

Waxa uu ku amaanay maamulka DDSI mashaariicda horumarineed ee uu deegaankaasi ka wado. “Waa wax lagu farxo in walaalaheen Soomaaliyeed ee Ethiopia ay runtii qaadeen wadadii horumarka iyo barwaaqada.” ayuu yiri Malaaq Hassan.

Sahro Gama’diid oo ah haweeneey u dooda xuquuqda dumarka, kana mid aheyd dadkii kulankaasi lagu casuumay ayaa sheegtay in ay soo dhoweyneyso horumarka ay horseedka ka tahay Dowlad deegaanka Soomaalida, iyada oo Madaxweynaha DD ka codsatay in isaga oo kor yeelaya xuquuqda haweenka in ay ku-xigeen u noqoto haweeney.

Gabagabadii xafladdan waxaa khadka talefoonka kaga qeybqaatey Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomalida Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar oo khudbad dheer u soo jeediyey Jaaliyada DDSI Holland, wuxuuna Madaxweynuhu uga warbixiyey Jaaliyada heerka deegaanka maanta uu marayo marxaladahii lasoo marey iyo sida ay qurbo joogta ooga qayb qaadan lahayeen dib udhiska Dalka , madaxweynaha ayaa kula dardaarmey inay jaaliyada iskaga dheraadaan qabiilka iyo waxii lamid ah ayna gacmaha is qabsadaan .

Gudoomiyaha Jaaliyada DDSI ee Holland ayaa mahadnaq balaaran uga soo jeediyey madasha xaflada Madaxweynaha Dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo khadka talefoonka uga qeybqaatey iyadoo madaxweynaha uu waliba ku jirey xaflad taarikhiga ah ee madaxweynayaasha degaanka soo maray, kana dhaceysay isla xalay magaalada jigjiga taasina waxay ku tusinaysaa sida uu runtii madaxweynaha uu ula jiro shacabkiisa gudo iyo dibadba waana arin mudan in la xuso .

Halkaan Ka daawo Qudbadaha laga Jeediyay Xaflada