Daawo Sawirrada: 4 Sheey oo ay indhaha wada hayaan magaalada Cadaado + Warbixin cusub

Marka aad magaalo uun tagtid waxaa jira waxyaabo si gaar ah micno u samaynaya oo ay tahay in aad isha la raacdid, iyada oo dabcan ay ku xirantahay hadba xiliga aad magaaaladaasi tagtid.

Waqti xaadirkani haddii aad timaadid magaalada Cadaado waxyaabaha ay tahay in aad maanka ku haysid waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha ee magaalada kaasi oo ah kaan Cadaado ay ku kala indho qaaday 10 kii sano ee lasoo dhaafay.

Waa kan ugu mashquulka badan gobolada dhexe amaba guud ahaan Koonfurta marka laga soo tago Muqdisho iyo Kismaayo, dadka halkani ku noolna waxa uu oga dhiganyahay isha kaliya ee u bikaacaysa.

Garoonka waxa uu hadda si gaar ah muhiim ugu yahay shirka maamul u samaynta gobolada dhexe ee Cadaado ka socda, waxaana kasoo dagaya ergooyinka iyo wafuudda kala duwan ee galaa baxaya magaalada.

Sheeyga labaad ee ay tahay in aad isha ku heysid xiligani xasaasiga ah ee shirka maamul u samaynta socdo ayaa ah Xaliimo Yareey, Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe, Xaliimo oo indhaha bulshada iyo tan caalamka oo dhan ay kusoo wadajeedaan ayaa ah mas’uulka ugu weyn ee ay tahay in ay hubanti ka dhigto habsami u socodka shirka iyo si wanaagsan uu kusoo dhamaado.

Mar ay hadal ka jeedisey furitaankii shirka waxa ay sheegtey in marnaba guddiga uusan ka leexan doonin qoraalkii ay kala wareegeen saxiixayaasha, balse waxay raacisey in ay talada siin doonaan odayaasha dhaqanka oo ay sheegtey in ay iyagu soo xulayaan ergadii wax dooran lahayd.

Halkani waxaa kaaga muuqanaya awooddo kala duwan oo midkastaayi saameyntiisa leeyahay oo ay tahay in guddiga farsamada ay ku tukubaan qad yar oo dhexdhexaadnimo ah.

Arrinka kale ee xiisaha leh waa kooxda fanka Cadaado, taasi oo wiilasha iyo gabdhaha labiska shaaximan xiran ay suulasha ku joojiyeen dadka marka ay masraxa soo istaagaan, waxay qaadayaan dhaantooyin iyo ciyaaro kale oo dadka aad ugu madadaashaan.

Waxay ka dhiganyihiin ubixii kacaanka oo kale, waa fiyoore amaan iyo hawraar murtiyeysan ola taagan ka qeybgalayaasha shirka, fariimaha ay gudbinayaane waa kuwa hoga tusaaleyn ah, waano iyo tilmaam isugu jira, erayada ay ku heesayaan waxaa ka mid ah “Mas;uul” , “Midninomo” iyo “Caddaalad”.

Ugu dambeyntii malaha halka ugu muhiimsan oo ay indhaha wada hayaan ayaa ah madaxtooyada Ximan iyo Xeeb, halkaasi oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta, waxaa lagu xardhay calanka Soomaaliya, waxaa kale oo ka suran calanka Midoowga Afrika, ciidamada AMISOM iyaguna waa illaalinayaan.

Waa halka ay ka dhacaan shirarka intooda badan, saacad kasta oo maalinta ka mid ah safaf dhaadheer ayaa loogu jiraa, mana jirto mar uu mashquulkeeda yaryahay, maamulayaasha halkani ku sugan waxaaa gacmahoodaa buuxiyey martiqaadka iyo marxabaynta ergooyinka tirada badan ee isaga kala yimid dal iyo dibad, illaa haddana waxay wax u wadaan sidii loogu talogalay.

CAAD 1CAAD 2CAAD 3CAAD 4CAAD 5CAAD 6CAAD 7CAAD 8

W/Q: Cabdinaasir Saxansoxo