Muwaadin Soomaali ah oo muddo 16-sanno si sharci darro ugu xiran ITALIA

Roma (Caasimada Online)-Xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku xiran wiil Soomaaliyeed kaasoo si sharci darro ah loo xiray.

Wiilkan oo lagu magacaabo Xaashi Cumar Xasan ayaa la sheegay in loo maleegay shir qool ah in uu dilay gabar suxufiyad oo u dhalatay dalka Talyaaniga taasoo lagu toogtay magaalada Muqdisho Kaddib markii ay soo duubtay filim muujinaya sun lagu daadiyay xeebaha Soomaaliya.

Galleria Alba waxay ahayd gabar suxufiyad ah oo ka shaqeen jirtay Talafishanka RAI, rag hubeysan ayaa ku toogtay magaalada Muqdisho xilli ay ku jirtay howsheeda Kaddib markii ay soo duubtay Filim muujinaya sun lagu daadiyay xeebaha Soomaaliya.

Haddaba Xaashi Cumar oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in si xaq darro ah loo soo xiray isla markaana uusan ka dambeyn dilka gabadhaas wariyaha ah.

Wuxuu sheegay in Talyaaniga uu galay sannadkii 1999-kii isla markii uu galeyna loo maleegay shir qool deetana la xiray.

Wuxuu sheegay in muddo 16 sanno uu xabsi ku jiray welina ay u harsan tahay muddo afar sanno ah sidda uu hadalka u dhigay isagoona codsaday in gacan la geesto sii deyntiisa maadama uu sharci darro ku xiran yahay.

Wuxuu sheegay in la sii deyn karo haddii ay u dacwooto dowladda fedaraalka Soomaaliya maadama safiir uu u joogo magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay oo kale in xaaladiisa caafimaad ay u xun tahay maadama uu muddo dheer xabsi uu ku jirro si sharci darrana loo heesto.

Mar la weydiiyay in ay jiraan cid isku dayday in la soo daayo, wuxuu tilmaamay in muddadaas dheer uu xirnaa aaney jirin cid u doodday in la sii daayo muwaadinkan Soomaaliga ah.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay burburkii dalka, waxaa jirta dad Soomaali ah oo meelo badan oo caamka ku dhibaateesan kuwaasoo aan heesan dowlad u doodda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com