OBAMA oo qaabilay CCC Sharma’arke + Dhageyso wareysi uu bixiyey kadib…

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa warqadihii aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Somalia u fadhin doona dalka Mareykanka, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, xaflad ka dhacday aqalka cad, Isniintii.

Xafladda ayaa waxaa sidoo kale uu Obama waradaha aqoonsi kaga guddoomay safiirada dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Cabo Verde, Sri Lanka, Armenia iyo Guinea.

obama sharmarkeCumar waa safiirkii ugu horreeyey oo Soomaaliya ay usoo dirto Mareykanka, in ka badan 20 sano.

“Imaanshaha safiir Sharma’arke ee Washington, waxa ay ka tarjumeysaa horumarkii ugu dambeeyey ee laga gaaray horey u dhaqaajinta xiriirka Mareykanka iyo Somalia” ayay tiri Jen Psaki oo ah afhayeen u hadashay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka.

“Waxaan dharareynaa la shaqeynta safiir Shama’arke iyo dowladda federaalka Somalia, si xasilooni iyo ammaan loogu soo dabbaalo Somalia”.

Cumar Cabdirashiid, ayaa kadib idaacadda VOA-da siiyey wareysi ku saabsan wixii uu kala kulmay

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com