Deefoow (Caasimada Online) – Deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan, ayaa saaka mar kale waxaa ka qarxay dagaalo xoogaan oo u la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka, ayaa bilowday saaka aroornimadii, Iyadoo uu weli si kulul uga soconayo deegaanka Deefoow, iyo deegaano aan ka dheereyn oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Dagaalkan, ayaa dhex maraya beelo walaalo ah oo gobolka wada dega, iyadoo aaney jirin cid ilaa iyo hadda soo kala dhexgashay.
Sidoo kale ma muuqaneyso waanwaan iyo abaabul lagu doonayo in lagu damiyo dagaalka iminka soconayo.
Deegaankan, ayaa beryihii dambe waxaa kusoo noq noqonayey dagaal beeleedyada dhex maraya beelaha dirirtu ka dhex aloosan tahay.
Gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka, ayaa ka mida gobolo dhowr ah oo ay ka jiraan colaad salka ku heyso dirir beeleedyo.
Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]