GACAN ku dhiiglayaasha ay ITOOBIYA soo tababartay oo dad badan dilay

Gaarisa (Caasimada Online) – Jabhadda Wadaniga Xoraynta Dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya xooga Soomali kaga haysato ee ONLF ayaa bayaan ka soo saartay falal danbeyeedka ay Itoobita ka fuliso ee ka dhanka ah Saraakiisha Soomaliyeed ee Siyaasaddeeda Soomaaliya ku wajahan dhaliilsan iyo Dadka ka soo cara’ray gumaadka sidan ayuu u qoran yahay Bayaanku:

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa Bayaan Saxaafadeed kasoo saaray falal dambiyeedkii ugu dambeeyay ee mujrimiin ay Itobiya soo tababartay ka fuliyeen magaalada Gaarisa. War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan;

Nabad-sugidda Itobiya ayaa todobaadkii ugu dambeeyay ee bishii June iyo bilowgii bishan July waxay ku dileen magaalada Gaarisa saddex qof oo Soomaali Kenyaan ah, iyagoo dhaawac halis ah gaadhsiiyay mid kale. Qofkii ugu dambeeyay dilalka Alaaha u naxariistee Asad Yusuf ayay 9kii Bishan July 2014 ku toogteen dukaankiisa amin habeenima ah. Assad Yusuf wuxuu ahaa muwaadin Kenya ah, oo sababta ay u dileena ay tahay un inuu caawin jiray dadka qaxootiga ah ee ka yimid Ogadenya. Alaha u naxariistee wuxuu ahaa ganacsade xaas balaadhan ifka kaga tagay. Todobaad ka hor ayay nin dhalinyara ah isla sababtaa u dileen, laba todobaad kahorna waxay dileen nin iyagoo mid kalena dhaawacey.

Gacan-ku-dhiiglehii gaystay falkan Cabdiraxaan Haajir oo ka tirsanaa maxaysatada Liyu-booliska (Hawaarin) ee Itobiya maalgaliso una tababartay laynta shacabka ayaa markii la qabtay u qirtay booliska inuu isaga ka dambeeyay labadii dil ee midkan ka horeeyay. Waxaa kaloo uu qirtay dambiilahan in isaga iyo koox dilalkaa fulisa oo ka kooban 19 iyo gargaare-yashooda ay sirdoonka Itobiya tababareen ka dibna la’isugu keeney Adisababa oy kasoo galeen magaalada Moyale. Wuxuu intaa raaciyay in qaar kale oo dilalkaa fuliya loo kala diray Somaliya iyo dalalka dariska ah say u laayaan mucaaradka xukuumadda, oy ka mid yihiin saraakiisha Somaliya iyo shaqsiyaadka ku kacsan dawladda Itobiya.

Xukuumadda Itobiya markay qaadatay siyaasad ku dhisan cadaadis, khaarijin iyo xasuuq inay kula kacdo dadweynaha Somaliyeed ee Ogadenya, ayay dadweynaha usoo carareen dalalka dariska ah. Qaxooti badan oo Ogadenya ka yimid ayaa magangalyo ku jooga dalka Kenya maadaama ay tahay Kenya dal ixtiraama Qaanuunka Afrika iyo midka Dawliga ah ee Qaxootiga oo siiyay dadka ku dhibaateysan Badhtamaha iyo Geeska Afrika magangalyo.

Laga bilaabo 2009, waxay xukuumadda Itobiya go’aansatay inay ka fuliso afduub iyo dilal dalka Kenya, ilaa hadana talaabooyinkii ay ka qaaday dawladda Kenya si loo ilaaliyo nabadgalyada dadka qaxootiga ahee magangalyada ku jooga dalkeeda ma ahayn talaabooyin joojyay dambiyadii Itobiya.

Markay Itobiya ka quusatay inay ku joojiso falalkeeda waxashnimada ah dadka Somalida Ogadenya ee magangalyada u imanaya Kenya ayay Itobiya go’aansatay hadda inay ciqaabto Somalida Kenya ee taageeraya dadka walaalahooda ah ee Itobiya ay ka soo qaxisay dalkoodii, say uga abuurto qas iyo xasiloonidarro Gobolada Waqooyi Bari ee Kenya.

Maamulka Itobiya wuxuu hadda kusii dhiiranayaa inuu ku tunto qaanuunka Dawliga ah iyo midka Xuquuqda Aadanaha, marka ay faldambiyeedkooda xadka ka soo gudbiyeen oy kusoo xadgudbeen dadka nabadgalyada u yimid Kenya ee kasoo cararay falalka bahanimada ah ee Itobiya ka socda. Siyaasadda Itobiya ay qaadatay waa inay qas iyo xasiloonidarro ka abuurto Geeska Afrika. Taasoo haddaan laga hortagin keeni doonta arin khatar ku ah guud ahaan danaha Geeska Afrika.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxay ugu baaqaysaa haya’adda UNHCR iyo Xukuumadda Kenya inay xil iska saaraan siday u badbaadin lahaayeen dadka qaxootiga ah ee soo magangalay.

Waxaa soo saaray JWXO (Issued By ONLF).

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com