Dhageyso: Biyo-Maal: Waxaa dhibaato nagu haya siyaasi Hawiye, waxaana ku dacweynay beeshiisa gaarka oo ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Ismaaciil oo kamid ah waxgaradka ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa mar kale ka hadlay dhibaatooyin uu sheegay in siyaasiyiinta Hawiye ay ka wadaan gobalkaasi, inkasta oo beelaha Hawiye-na ay sheegayaan in Biyo-Maal ay gobolka dhibaato ka wadaan.

Wuxuu sheegay in guddoomiyihii hore ee degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Jacfar in uu kaalin ku leeyahay wax uu ugu yeeray dhibaatada lagu hayo beesha Biyomaal ee gobalka, isla markaana mar labaad ay uga dacwoonayaan waxgaradka beesha uu kasoo jeedo oo ah beesha Murusade..

Jacfar ayaa ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee maamulka Shabeelle State, oo ah maamulka iminka gacanta ku haya inta badan gobolka Sh/Hoose.

Halkan ka dhageyso dacwada beesha Biyo-Maal

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com