Xildhibaano ka digay in Xasan uu wada hadal ka furo xadeynta badda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in dib loo soo furo xadeynta badda Soomaaliya taasoo horrey buuq badan uga dhashay.

Xildhibannada arrintaas ka digay waxaa ka mid ah, Cabdinaasir Gaarane, Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo Cabdullaahi Jaamac waxaana dhammaantood ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin warqad la sheegay in uu qoray madaxweynaha oo loo gudbiyay QM taasoo lagu codsaday in wadahadal laga furi badda Soomaaliya.

Seddaxda xildhibaan ayaa ka mideesnaa in arrintaas ay ka dhalan karto cawaaqib xun iyo in Kenya loo gacan galiyo qeybo ka mid ah badda Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane ayaa ku doodday in ay qalad tahay madaxweynaha dalka in uu isaga qoro warqad gorgortan loola galaayo dowladda Kenya badda Soomaaliya, waxaana uu ballan qaaday in baarlamaanka uusan oggolaan doonin arrintaas oo uu ka dhiidhin doono.

Xildhibaan Dalxa ayaa isna xusay in baarlamaanka uusan oggolaan doonin in dib loo nooleeyo arrimaha badda Soomaaliya.

Sidoo kale xildhibaan Cabdullaahi Jaamac ayaa isna xusay in xilligan aan loo baahneen in laga hadlo arrimaha badda Soomaaliya isagoona yiri “Soomaaliya ma lahan awood ay ku difaacan karto baddeeda marka Kenya waa dal u dhisan hey’diisa leh khubaro marka arrintan dhibaato kale ayey hor seedi kartaa”.

Si kastaba, waxaa soo badana dhaliilaha loo jeedinaayo madaxweynaha oo ku aadan inuu dhawaan warqad u qoray golaha ammaanka QM taasoo uu ku caddeenaayo in dowladiisa ay diyaar u tahay in ay wadahadal lagala galo xadeynta badda.

Ma cadda wax yaabaha ku kalifay in uu madaxweynaha qoro warqadan balse dad badan ayaa aaminsan in ay jiraan culeys dowladda ka saaran arrimahaas oo ay wadaan waddamada dariska sidda Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com