Muxaadaradii Sheekh Umal ee berri la qorsheeyey oo mar kale dib loo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wali uu taagan yahay khilaafka ka dhex taagan Sheekh Umul iyo culimada Ahlu-Sunna Waljamaaca, ayaa mar kale waxaa baaqatay muxaaradii maalinta berri Garoonka Eng. Yariisow uu ku qaban lahaay Sheekh Umul.

Baaqashada Muxaadarada ayaa waxaa shaacisay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, oo ka mid ah guddiga ay dowladda u xil saartay qaban qaabada muxaadarada.

Inkastoo aanan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa baaqashada Muxaadarada uu jeedin lahaay Sheekh Umul oo maalinta Berri dadka loo balamiyay, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay la xiriirto cabdi dhanka amniga.

Culimada suufida ayaa wacad u maray inay hor-istaagi doonaan muxaadaradan ayaga oo qorsheeyey dibad-baxyo ballaaraan oo ka dhacaya garoonka Injineer Yariisow. Waxaa sidoo kale xog lagu hayaa inay taageerayaal badan ay ka dhaadhiciyeen inay gudaha u galaan garoonka, kana hortagaan muxaadarada.

Cabsida ugu weyn ee hadda taagan ayaa ah in garoonka Injineer Yariisow ay ka dhacaan rabashado u dhaxeeya taageerayaasha Suufida iyo kuwa Umal, taasi oo sababi karta dhimasho iyo dhaawac, waxaana la rumeysan yahay in taas darteed loo baajiyey muxaadarada.

Sida illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, Sheekh Soomow ayaa ka hor yimid dalab uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriira muxaadarada uu Sheekh Umal doonayo inuu ku qabto Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay saq dhexe u diray Sheekh Soomow mas’uuliyiin ay isku beel yihiin oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Amniga Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish.

Xubnaha u tagay Sheekh Soomow ayaa u sheegay inuu soo diray Madaxweyne Farmaajo,  isla markaasna laga rabo inuu ogolaado muxaadarada Sheekh Umul, hase yeeshee waa ku gacan seeray, waxaana muuqata in taas ay qasabtay in la baajiyo muxaadarada.