Muxiyadiin Darbaweyne: “Maanta waxay joogaan Ilaah baa Guudlaawe noo keenay” + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxiyadiin Xasan Cali (Darba-weyne) oo ka mid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Muxiyadiin Darba-weyne ayaa sheegay in sida ay wax uga socdaan Beledweyne aysan wanaagsaneyn, isaga oo soo jeediyay in waxkasta lagu dhameeyo wada-tashi iyo is-afgarad ku dhisan cadaalada.

“Shalay nimankii la qabay Jeneraal Xuud in uusan imaan karin Beledweyne ayaa maanta waxay joogaan Ilaah baa Cali Guudlaawe noo keenay. Markaa waa in ay dhag jalaq u siin dadka wada fidnada,” ayuu yiri Muxiyadiin Darba-weyne.

Darba-weyne ayaa sidoo kale taageero u muujiyay in kuraasta ku harsan Beledweyne ay noqdaan kuwo furan, islamarkaana aan loo xirin cid gaar ah, taasi oo ay doonayeen qaar kamid ah madaxda sare ee maamulka HirShabelle.

“Ninka Qoor-Qoor ficilkii uu sameeyay ee ku tartansiiyay Ubax iyo Qaali Cali Shire lagu tartansiiyey kama aqli yaridiin ee ha is-dilin. Qaali iyo Ubax ayaga oo qoslaya ayey kasoo baxeen xerada. Waa la tartansiiyay ceeb iyo dambi ma aha.”

Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa “Ha la tartamo ee hadii la isku dilo lama tartami karo aakhiro iyo aduunba cadaab ayaa ku muteysane.”

Darba-weyne ayaa madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe ku amaanay mowqifka uu ka qaatay doorashada Beledweyne iyo in uu iska diiday in kuraasta loo xiro dad ay wataan koox gaar ah.

“Guudlaawe waxa uu jooga meel lagu amaani karo, wuxuu leeyahay Xawaadlow iyo Gaal-jecelow tartama qof aan kursi u xirayo majiro. Xalaasha barqo cad ayaa la qasha miiska ha lasoo saarto, nin walba oo tabarta iyo taagta.”

Ugu dambeyntiina waxa uu Yuusuf Dabageed oo lagu eedeynayo in uu doonayo in kuraasta ku harsan Beledweyne dad gaar ah loo xiro, in uu arrimahaas faraha kala baxo, islamarkaana uu nin walba calafkiisa qaado.