Masar iyo Sudan oo dalab cusub kasoo saaray khilaafka kala dhaxeeya ITOOBIYA

Qahira (Caasimada Online) – Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa ugu baaqay dowlada Ethiopia in sida ugu dhaqsaha badan ay wada-hadal dhab ah ka yeeshan xiisada biyo xireenka Webiga Nile-ka, oo mudo badan soo jiitameysay.

Dalabkaan ayaa imanaya kadib kulan Qaahira ku dhex-maray Wasiirada arrimaha dibedda ee Masar iyo Suudaan, kuwaasi oo isla gartay muhiimada ay leedahay in lasii wado wada-xaajood horseeda danaha saddexda wadan.

War-murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen Wasiirada arrimaha dibedda ee Masar iyo Suudaan ayaa lagu sheegay in lagama maarman tahay in heshiis sharci ah laga gaaro xiisadaas.

“Muhiimad gaar ah ayey leedahay isku daba-ridka mowqifyada xukuumadaha Qaahira iyo Khartuum ee ku aadan arrimaha mandiqada iyo caalamka, gaar ahaan caqabadaha hortaagan labada waddan,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah war-murtiyeedkaas.

Dowladda Masar ayaa hore si adag uga hortimid go’aanka ay Ethiopia ee howl-galinta biyo-xireenkeeda, midaasi oo ay ku tilmaamtay mid jabinaya is-afgaradkii hore ay u wada-gaareen dhinacyada.

Saddexdaan dal ayaa dhowr jeer ku fashilmay inay si wada-jir ah xal uga gaaran xiisada Webiga Nile-ka, ayada oo Ethiopia ay ku madax adeygayso go’aankeeda, tan iyo markaasna waxaa xulafeysi gaar ah yeeshay Masar iyo Suudaan.

Arrintan u weyn ee xudunta u ah murankaan sanadaha badan soo jiitamayay ayaa ah in biyo xireenka Ethiopia uu sababo hoos u dhac ku yimaada biyaha ay labada wadan ee kale ka helaan Webiga.

Si kastaba, Dalabkaan cusub ee Masar iyo Suudaan ay u jeediyeen Ethiopia ayaa la ogeyn qaabka ay uga jawaabi doonto Ethiopia, xili uu kal hore Abiy Axmed daah-furay mashruuc cusub oo dalkiisa dabka looga dhalinayo biyo xireenka