DAACISH oo xaqiijisay in la dilay hoggaamiyaheeda mid cusub-na ku dhowaaqday

Baghdad (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa Khamiistii xaqiijisay geerida hoggaamiyaheeda Abu Ibrahim al-Qurashi, bil kadib markii uu dhintay, waxayna u magacowday Abu Hasan al-Hashemi al-Qurashi inuu noqdo beddelkiisa. 

Wax badan lagama yaqaan hoggaamiyaha cusub, oo noqon doona madaxii saddexaad ee kooxdan Jihaadiga ah tan iyo markii la aas-aasay.

Xubnaha Daacish waxay “baayacooda u ballan qaadeen” Abu Hasan al-Hashemi al-Qurashi inuu noqdo amiirka cusub iyo khaliifka Muslimiinta,” waxaa sidaas cod ay kooxda baahisay ku yiri afhayeenkeeda. 

Codka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey geerida madaxii hore ee kooxda iyo afhayeenkii hore. 

“Abu Ibrahim al-Qurashi iyo afhayeenkii rasmiga ee kooxda Abu Hamza al-Qurashi ayaa la dilay dhowaan,” ayuu yiri afhayeenka cusub oo magaciisa lagu sheegay Abu-Omar al-Muhajjir. 

Sida ay sheegeen Aqalka Cad iyo saraakiisha gaashaandhigga Mareykanka, Abu Ibrahim al-Qurashi ayaa geeriyooday kadib markii uu bam isku qarxiyey si uu oga fogaado in la qabto, intii uu socday howlgal ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen waqooyiga galbeed ee Syria. 

Geeridiisa oo habeenkii Febraayo 2 ka dhacday magaalada Atme ee gobolka Idlib ayaa aheyd guuldarradii ugu cusleyd ee kooxda ku dhacda tan iyo markii hoggaamiyihii ka horreeyey Abu Bakr al-Baghdadi ay dileen ciidamada Mareykanka 2019-kii.

Daacish ayaa ku dhowaaqday khilaafad Islaami ah 2014-kii, waxayna mar xukumeysay dhul ballaaran oo ka mid ah Ciraaq iyo Syria.

Dagaal muddo dheer socday oo ay qaadeen ciidamada Kurdish-ka, Syria iyo Ciraaq, oo taageero ka helaya Mareykanka ayaa kooxda ka adkaaday bishii Maarso 2019.