Sawirro: Siyaaraddii Abgaal Cismaan iyo siyaarooyin kale oo lagu qabtay Warsheekh

Warsheekh (Caasimada Online) – Sanad walba 10-ka bisha shacbaan waxaa la qabtaa siyaarooyin isku sidkan oo uu jideeyay Sheekhii weynaa ee Sheekh Cabdiraxmaan Celi waxaaana lasoo gabagabeeyay maanto oo jimco ah.

Siyaarooyinkaan oo is dul saaran ayaa waxay ka kooban tahay siyaaro yareydii Sheekh Cabdi Cumar maadaama 10-ka shacbaan uu qadimi jiray qur’aanka Kariimka, siyaaraddii Abgaal Cusmaan oo sanad walbo maanta oo kale la xuso. Sidoo kale waxaa barbar socday siyaaraddii qaaduntii weyneyd Xaajiyo Batuullo Xasan Tooxow oo ka mid aheyd qidmeyntii Sheekh Cabdi iyo Sheekh Muxumad iyo siyaartii axbaabta Aabo Sheekh Cabdi.

Siyaarooyinkaan ayaa waxaa dadweynihii iyo culumadii kasoo qeybgalay ay isaga kala yimaadeen maamulada Hirshabeelle, Banaadir, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Gabagabadii siyaarta isku sidkaneyd ayaa waxaa ducooyin iyo alle bari kasoo jeediyay Sheekh Qaasim Sh. Cabdi Celi, C/raxmaan Sh. Muxumad, Sheekh Daa’uud Sh. Muxumad, Sheekh Cumar Sh. Muxumad, Sheekh Amiin Sh. Cali Sh. Muxuddiin Aweys Al-qaadiri, Sheekh Maxamed Sheekh Ooyaaye iyo mashaa’iq kale.

Ali Muhiyaddiin
Warsheekh, Sh/Dhexe