Muxuu A/Madoobe maanta kaga dhowaaqay XUDUR?

Xudur (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo weli ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay xaflad soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen shacabka Degmada Xudur ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada xoreynta iyo taageerada xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in la hirgelin doono adeegyada muhiimka ah sida; waxbarashada, korontada, xarumaha dhalmada iyo helida biyo nadiif ah.

Masuuliyiin kala duwanaa oo ka hadlay xafladda ayaa dhankooda si weyn u bogaadiyay ballan-qaadka ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golah Shacabka.

Waxa kale oo ay codsadeen in deegaanada gobolka si deg-deg ah looga dulqaado kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyaga oo xusay inay ku biirayaan dadaalada howl-galada dagaal ee ka socda dalka ee looga xoreynaayo cadowga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shalay kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kuwaasi oo warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay sheegeen inay aad u cakiran tahay.

Odayaasha ayaa sheegay in dhamaan magaalooyinka iyo deegaanada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay u baahan yihiin in dowladda ay gacan ka siiso la-dagaalanka argagixisada.