Cabdicasiis Lafta-gareen oo beddelay mowqifkiisa iyo tallaabo uu qaaday maanta

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa goor sii horeysay oo maant ah garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa kasoo duulay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo uu maalmahan u joogay ka waday kulamo wada-tashi ah.

Lafta-gareen iyo Aadan Madoobe ayaa la filayaa inay yeeshaan kulan gaar ah, kaasi oo ay uga hadlayaan u diyaar garowga shirka dib u heshisiinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi.

Shirkaasi oo hore ugu baaqay guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa taageertay beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska, waxaana lagu wadaa in shirkaasi isfaham looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulkaasi ayaa waxaa hore loogu diiday inay tagaan magaalada Baydhabo, kuwaasi oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan dowladda federaalka oo mad-madow badan kala dhexeeyo maamulka Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa u muuqda mid kasoo damcay mowqifkiisi hore, kadib cadaadis uga imaanaya beesha caalamka oo ayadu rabta in sida ugu dhaqsaha badan xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee aloosan maamulka Koonfur Galbeed.