Wasiir loo diiday in uu tago degmooyinka gobol ka tirsan Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir Ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf ayaa loo diiday in uu tago degmooyinka gobolka Gardafuu ee maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wasiir Qaasim oo rabay in uu tago degmooyinka Bareedo, Caluula iyo Murcanyo ayaa waxa jid-gooyo u dhigtay maleeshiyo beeleed kasoo jeeda gobolka oo diidan safarkiisa.

Wasiirka ayaa maanta dib uga soo laabtay gobolkaasi, kadib markii safar 5 maalmood qaatay uu ku dhaafi-waayay tuulada Hoodaa oo hoostagta degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu ee Puntland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in wasiirka uu doonayay in degmooyinka gobolka Gardafuu u tago arrimo la xiriira doorashooyinka degmooyinka Puntland, gaar ahaan wacyi-gelinta diiwaan-gelinta dadweynaha oo la qorshaynayo inay gobolkaas ka bilaamato bisha Jannaayo ee sanadka cusub ee 2023.

Qaar kamid ah waxgaradka degmada Murcanyo ee gobolkaa Gardafuu ayaa horay uga cawday shaxda soohdimaynta degmooyinka ee ay sameeysay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa dhamaadka bishi hore shaaciyay goobaha ay ka sameynayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaaasha doorashada khilaafku ka taagan yahay ee goleyaasha deegaanka Puntland.

Guddiga ayaa soo saaray xogta goobaha diiwaan-gelinta, kuwaasi oo ka koobna 37 degmo oo ku kala yaalla 9 gobol, kuwaasi oo ay ku jiraan deegaano lagu muransan yahay.