Daawo: R/W Xamza oo shaaciyey sababta uu maanta ugu safray Aadan-Yabaal

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa qoraal ka soo saaray muhiimadda safarkii uu maanta ku tegay degmada Aadan-yabaal oo dhawaan lagfa xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Xamza Barre ayaa sheegay in muhiimadda safarkiisu ay ahayd dhiirigalinta ciidanka naftooda u huray sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xorreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa soo dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo laga dhisayo degmada Aadan-yabaal iyo mashaariic kale oo muhiim u ah bulshada degmadaas.

“Waxaan maanta safar shaqo ku tagay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ay dhawaan ciidammada Qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka xoreeyeen Khawaarijta. Muhiimadda safarkaygu waxay ahayd dhiirigalinta mujaahidiinta dhiigooda, Naftooda iyo maalkoodaba u huray sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xorreyn lahaayeen kooxda qowlaysataha ah ee Alshabaab,” ayuu yiri R/W Xamza.

Qoraalka Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas, “Waxaan soo dhagax-dhigay garoonka diyaaradaha ee degmada Aadan Yabaal iyo mashaariic kale oo horumarineed si dadka deegaanku u helaan dhammaan adeegyadii ay uga baahnaayeen Dowladda.”

Ugu dambeyntii Xamza Barre ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Si aan u hubinno in dadkeennu helaan adeegga dowladnimada, Waxaan halganka ku garab wadnaa hirgalinta barnaamijka xasilinta iyo mashaariicyada kale ee horumarineed.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa dadka reer Aadan-yabaal u balan qaaday in deg deg loo dhisi doono isbitaalkii degmada, saldhigii, isagoo sheegay in safarka ay ku wehliyeen dhamaan siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ka soo jeeda degmadaas ee uu u arkay inay wax ka qaban karaan baahida reer Aadan-yabaal.

Hoos ka daawo