Daawo: Odayaasha degmada Aadan-Yabaal oo si cajiib ah uga hadlay arrin…

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maanta si dhab ah baahidooda ugu soo bandhigtay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta safar ku tegay degmadaas.

Odayaasha ayaa si dhab ah u sheegay in dhibaato badan ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab, iyagoo sheegay in magaalada intii awooday ay isaga carartay, inta ku hartana ay gumeysi adag ku heyn jireen Al-Shabaab.

“Aadan-yabaal waa meel Shabaab-ku ku dhalay, sidii Ayaxii ayuu ugu dhalay halkaan, nolol kasta oo aan heysanay ama heli laheyn waa naga burburiyeen, dhaqankeenii waa dooriyeen, maanta dowladaan nolol ka codsaneynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka Aadan-yabaal.

Sidoo kale odagaas wuxuu dowladda ka codsaday inay caafimaadka iyo waxbarashada deg deg wax uga qabato, “Caafimaadkaa noogu daran, isbitaalkii aan agaasimaha ka ahaa jiray ee degmadaan waa burburiyeen, saldhig iyo boolis ma lihin, waxbarasho haba yaraatee halkaan kama jirto, maamul degmo iyo garsoorna warkiisaba daa,” ayuu yiri.

Odagaan ayaa balan qaaday inuu mar kale si buuxda uga sheekey doono dhibaatadii ay Al-Shabaab ku heyn jireen dadkii ku noolaa Aadan-yabaal iyo taariikhdii degamadaan qadiimiga ah.

“Wixii ka dambeeyey dowladii dhexe nolol ma aanaa helin, halkaan guri ee Villa Aadan-yabaal ayuu Kabokutukade lacagteena ku dhisay, dadkii waa ka carareen degmadaan, wixii hadda ka dambeeya dowladdu waxay ka dhigto ayaa ka war sugeynaa, gabadhii umuli weysa shan boqol oo dollar ayaan isbitaal ku gaarsiinaa, garoon, isbitaal, waxbarasho, biyo, wado, wax aan maanta heysano ma jirto” ayuu yiri oday kale.

Hoos ka daawo