Ku dhawaad 30 Shabaab ah oo maanta lagu dilay duleedka Aadan-yabaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal maanta ka dhacay degaanka lagu magacaabo Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu dilay ku dhawaad 30 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa baahisay in howlgalkaas lagu dilay 28 Shabaab ah.

“Ciidanka Xoogga dalka iyo Geesiyaasha deegaanka oo caawin ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa 28 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ku dilay tuulada Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada ayaa sameeyay howlgalkaan kadib markii ay ka war heleen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku abaabulayaan tuulada uu ka dhacay howlgalkaan.

“Waxaana halkaas ku gaaray jab xooggan, iyadoo wali ciidanku sii baacsanayo firxadkooda,” ayaa lagu yiri qoraalka ay tebisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Jeneraal Biixi.

Ugu dambeyntii warkaan waxaa lagu yiri, “Khawaarijta ayaa aad ugu jabay howlgallada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanku ka wadaan dhul ballaaran oo ka tirsan Hirshabeelle, waxaana ay ku waayeen maleyshiyaad fara badan iyo horjoogeyaal muhiim u ahaa.”

Inta badan deegaanada hoos taga ayaa laga sifeeyey kooxda Al-Shabaab, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanadaas ee sida dhow ula socda howlagallada dib u xoreynta ah ee dhulka HirShabeelle ka socda.